26.1 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

5 arrin ka ogow doorashada Xasan Sheekh uu berri ka qabanayo Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho waxaa berri ka dhacaysa Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay ku loolamayaan 20 urur siyaasadeed oo ku kala badan tirada Musharrixiinta, degmooyinka ay ka tartamayaan, kuraasta ay raadinayaan iyo shan qodob oo diiwaanka galaya.

Ugu horrayn waxa aan diiradda saaraynaa shanta qodob ee ugu muhiimsan ee laga baranayo ama laga diiwaangelinayo doorashadaas berri ka dhacaysa Magaalada Muqdisho oo indhuhu ay haatan kuwada jeedaan, waxa ay kala yihiin:

  1. Waxaa la qaban doonaa doorashada golaha deegaanka oo kaliya, lama qaban doona doorashada golaha caasimadda & tan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
  2. Urur Siyaasadeedka Caddaaladda & Wadajirka ee JSP ayaa ah Ururka kaliya ee dhammeystiray dhammaan Musharraxiinta Degmooyinka oo gaaraya 390 Musharrax.
  3. Yaaqshiid ayaa noqotay Degmada ugu badan ay ka sharraxan yihiin musharraxiinta ugu badan, waxaana ka sharraxan 132 musharrax, halka Heliwaa ay noqotay Degmada ugu yar, waxaa ka sharraxan 87 Musharrax.
  4. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyey ee Magaalada Muqdisho ka hirgaliya doorashada golaha deegaanka 58 sanno ka dib.
  5. Dhaqaalaha doorashada ku baxaya oo markii ugu horreysay dowladda bixinayso 100%, iyada oo aysan taageero maaliyadeed ka helayinin beesha caalamka oo bixin jirtay lacagihii lagu qabtay Doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Jaantuska guud ee doorashada

  • Degmooyinka: 16
  • Kuraasta: 390
  • Musharraxiinta: 1,604
  • Xisbiyada: 20
  • Codbixiyaasha: 503,916

Shanta degmo ay ka sharaxan yihiin musharraxiinta ugu badan

Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ah 20 Degmo waxa uu Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka asteeyay in ay Doorashadaan ka dhacdo 16 kamid ah, Shanta Degmo ee ugu musharrixiinta badan ayaa kala ah:-

1- Yaashiid: 132 Musharrax

2- Hodan: 127 Musharrax

3- Dharkiiley: 119

4- Wadajir: 113 Musharrax

5- Hawlwadaag: 105

Shanta xisbi ee musharraxiinta ugu badan ay ka sharaxan yihiin

Xisbiga talada haatan haya ee Caddaaladda iyo Wadajirka ee loosoo gaabiyo JSP ayaa haysta musharrixiinta ugu badan, waxaa ku xiga Karaama, Ramaas, Towfiiq iyo Sincad oo ah kan ugu musharrixiinta yar, waxa ay kala wataan musharrixiinta hoos ku qoran

1- JSP: 390 musharrax

2- Karaama: 230 Musharrax

3- Ramaas: 215 Musharrax

4- Towfiiq: 222 Musharrax

5- Sincad: 217 Musharrax

Waxaa shalay soo idlaaday Ololaha Doorashada Ururrada Siyaasadda oo ka kooban 20 Urur, maanta waa ay nasanayaan, halka berri ay dhacayso codaynta ay ku kala calaf qaadanayaan iyada oo maalmo la sugayo natiijada codbixintaas.

Isha: Mustaqbal

- Advertisement -

Read more

Local News