Shaqaale ka tirsan QM oo lagu afduubtay YEMEN

Caden (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in shan ka mid ah shaqaalaheeda Jicmihii lagu afduubtay koofurta Yemen, xilli ay kusii jeedeen Caden.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Russel Geekie ayaa sheegay in howlwadeenadooda lagu afduubay gobolka Abyan ee waddankaasi.

Russel Geekie ayaa sidoo kale tilmaamay in ay hadda ku rajo weyn yihiin in maamulka aaggaasi ka taliya ay xorriyadooda dib u soo celiyaan saraakiisha Qaramada Midoobay.

Dhanka kalana, diyaaradaha dagaalka Mareykanka nuuca F-22 ayaa shalay gaaray saldhig militari oo ku yaalla dalka Isutagga Imaaraadka Carabka, kaddib marki uu Imaaraadka duqeymo aanan horay loo arag kala kulmay dagaalyahannada Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Imaaraadka ayaa kaalin muuqata ka ciyaara dagaalka lagu hoobtay ee sanadihi dhawaa ka socday dalka Yemen, isaga oo qeyb ka ah dowladaha Carbeed ee la dagaallamaya jabhadda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha Iran.

Yemen ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ka socday dagaallo culus oo u dhexeeya kooxda Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen oo garab ka heleysa isbaheysiga uu horkacyo Sacuudiga.

Dagaallada ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan oo Yemen dib u dhigay, tan iyo markii ay Xuutiyiinta isku ballaariyeen qaybo badan oo ka mid ah dalkaasi.