Shaqaalihii xafiiska Kheyre oo cadaadis la saaray: Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shaqaalihii xafiiska Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa wajahaya cadaadis badan oo dhanka shaqada ah, waxaana isa soo taraya wararka sheegaya in shaqo joojin lagu sameeyay.

Qaar ka mid ah shaqaalaha oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in xafiiska ay joogaan balse inta ugu badan shaqadii laga wareejiyay loona dhiibay dad cusub, halka qaarna si rasmi ah loo beddelay.

Xubnaha xilka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ahaa xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Axmednuur Maxamed Cabdi, waxaana lagu bedellay Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo ka tirsanaa xafiiska madaxweynaha.

“Shaqada waa nimaanaa balse shaqooyinkeynii waxaa qabanaya kuwa kale, anagana waan iska nimaanaa, Computer-adii iyo agabyadii kale ee xafiiska waa lala wareegay ma aqaan waxa uu wareejin doono Ra’iisal Wasaarihii hore,” ayuu yiri qof ka mid ah shaqaalaha xafiiska Ra’iisal Wasaarihii kalsoonida lagala noqday.

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka socda wax u muuqda dagaal ka dhan ah dhammaan dadkii ka agdhawaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana dhibaatada ugu daran wajahaya shaqaalaha iyo ciidanka dowladda ee ku qornaa xafiiskaas.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in la bedelay qaar ka mid ah ilaaladii xafiiska ra’iisul wasaaraha, lana keenay kuwa cusub.

Qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa sheegaya inay ka fakarayaan inay ka tagaan xafiiska, halka qaar kalena rumeysan yihiin in cadaadiskan yahay mid kooban oo maalmo kadib dhammaan doona, sidaas darteedna ay dulqaadan doonaan.