SHAQADII WAAYAY JIDKIINA HELAY!!

Waxaa la iga reebay Diyaaraddii aan raaci lahaa, yurub dhexdeeda Garoon ku yaalla , wax la iska kay dama meeriyo marba qolo ii imaaddo ayaa markii danbe waxaa igu soo haray nin iyo haweeneey , waxay ii kexeeyeen xafiis qaruurad ka samaysan oo diyaaradda duusha iyo tan dagaysaba aan ka arki karto , qaboojiye dhex yaallay ayay intay farta iigu tilmaantay igu tiri maxaad cabbi kartaa ? Waan soomanahay ayaan iri ! markaasay inta dhoola caydas been ah ku dartay tiri oo ma shakhsi diimeed baad tahay ( diinta aad u haysta ) ? Waaba sababta aan dunida u joogo ayaan ugu hadal laabay ! Waa arin xiisa leh ayay tiri intay dhaqaaqday .

Waraaq qaar ahaan lagu feegaaray iyo laba qalin ayaa saaran miiska aan dul fadhiyo , waxaa si qamar sanaaci ah maankayga ugu soo dhacay Dr Nihaad Maxamuud ( mahsanid ayaan cod la maqli karo ku iri ) anigoo ku dhaqmaya tubtii Dr Nihaad ayaan qalinkii inta qaatay sawiray caruur ku cayaaraysa goobaha dhallaanka lagu cayaarsiiyo , Ma ahayn wax aan jeclaa inaan sameeyo laakiin waa dhaxalkii Dr Nihaad wixii maantaa aan is iri waa ku anfacayaan .

Xoogaa kadib ayaa waxaa soo galay gabadhii iyo ninkii oo wada socda sidii qof daallan ayay waraaqo badan oo aan isku habaysnayd oo ay xanbaar sanayd miiskii shax ku siisay xoogaa kadibna way aruursatay waxayna ku darsatay kuwaan ku falaaday , lama yaabin ee waan malaynayay inay qaadato kumana mala khasaarin .

Muddo dheer ayay maraan mar igu hayeen gadaalkii ayay si bareer ah u yiraahdeen ‘’ waxaan u baahanahay caawintaada ‘’!! si qaboow ayaan u iri waan jeclahay inaan cid kasta oo caawin iga doonta gacan ku siiyo wixii hagaagsan, farxadooda ayaa wajigooda aad ka dareemaysay, dareenkaas anigoo ka faa’iidaysanaya ayaan waydiiyay bal inay yaqaaniin cidda abuurtay , Ninkii wuxuu yiri ‘’ Ilaahay ‘’ Gabadhiina waxay tiri anigu maba aaminsani .

Intii yarayd ee aan ka bartay diinta Islaamka ayaan dhagahooda gaarsiiyay wixii aan markaas xasuustay , sheekadii ayaa la yara macaanaatay Ninkii, gabadhiina intay dhibsatay ayay banaanka u baxday , aniguna dan kamaan galine waxaan la wadaagay su’aalihii iiga imaanayay jawaab waxaan u heli karay , ku dhawaad 20 daqiiqo markaan anigu uun hadlayay ayuu inta si xushmad leh iiga dhexgalay yiri . sheekadan maan sii wadan karnaa mar kale waayo hadda waa inaan boxo waan ku khasbanahay, Haa ayaan iri goortaad doontid iyo halka munaasab ah , ‘’ Hagaag ka waran Baarka Khamriga ee …………. Meel fiican ayuu ku yaallaaye’’ waan ka xumahay anigu Khamriga ma fuudo ayaan iri , ‘’ Oo waligaa maadan xitaa dhadhamin ‘’ Haa oo dadka Muslimiinta ah waa ku danbi, intuu qosol dhag ka siiyay ayuu yiri ‘’ Dilka dadka waa idiin caadi Khamrigana waa idinku danbi ‘’ jawaabta amuurtaas ayaa igu cuslaatay oo qolo qolo u dirikeenna iyo qabiil jacaylkeena ilamuu garanayo , dagaalada fidnada ahna war mooge ayuu ka yahay .

Waxaan u fidiyay casuumaad Makhaayad harkeedu wacan yahay la iskuna cidlaysan karo , warsan iyo guddoon, wuxuu iga raali galiyay diyaaraddii la iga reebay iyo wakhtigay iga dayaceen, anigoo marna xanaaqsan marna ismoodaya nin waajib soo gutay ayaan ku noqday meeshaan xalay seexday oo ay noqotay inaan laba casho oo kale sii joogo.

Waxaa la gaaray ballankii aan la lahaa ninkaan u bixiyay Joon , si aad ah ayaan isugu hub aruur sanahay oo ninkasta wuxuu is lahaa kan kale shabaqaaga ha soo galo , kaan la maaganaa ayaase labadayabada u manaafacaad badan adduun iyo aakhiraba kuu ila doonayana waa dhalanteed adduun iyo dhib inaan gaarsiiyo dadkuu ilaahay walaalaha iiga dhigay ( Muslimiinta) .

Anigoo kaashana adobe audition ayaan isku soo jar jartay dhawr cod oo aan kasoo qaatay dhawr sheekh oo kala duwan hadallo ay u jeediyeen dad ay doonayeen inay islaamka soo galaan haba ugu badnaado Sheekh Khalid Yaseen , Joon dhankiisa ma dadaal yarayn ee wuxuu soo diyaarsaday wax kasta oo uu iigu biirin lahaa basaasiinta uga soo war sheekoota dadkooda wuxuu is lahaa adduun u sheeg halkaan Afrikaanka ah asagaa soo rukuuciye , laakiin wuu ku mala khasaaray oo cidaan Ilaahay ahayn igama mudna rukuuc iyo sujuud .

2 sano iyo 9 bilood kadib kulankaas ayaa waxaa iisoo dhacay farriin danabeed ( Email ) aan markii 1 aad ka helay Joon maanlintaan wada qadaynay ka dib wuxuu iigu soo qoray farriin hal sadar ah oo ahayd ( Shaqadii waayay jidkiina helay ).

W/Q: Aadam Zaki
Aadan17@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online