Sharciga doorashooyinka qaranka: Sidee xildhibaanada BF loo dooranayaa? (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay loo qeybiyey sharciga doorashooyinka qaranka ee heer federal, kaasi oo qeexaya habka loo soo dooranayo xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya.

Sharcigan oo maalmahan ay xildhibaanada ka doodayeen, ayaa waxaa soo diyaariyey guddi hoosaad ka tirsan baarlamanka, hase yeeshee waxaa lagu sameeyey is-beddelo dhowr ah, kadib markii la dhageystay aragtida xildhibaanada, intii ay doodda socotay.

Haddaba hoos ka aqriso qodobka ka hadlaya 12-aad oo ka hadlaya hannaanka doorasho ee labada gole ee baarlamaanka. 

Qodobka 12-aad: Doorashooyinka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka

  1. Hannaanka Doorasho ee Labada Gole ee Baarlamaanku waxay noqonaysaa mid tix-gelinaysa isu-dheellitirnaanta qeybaha bulshada (haweenka, dhalinyarada dadka laga tirada badanyahay iyo beelaha Soomaaliyeed) si waafaqsan Qodobka 64aad faqradiisa (3) iyo Qodobka 72aad xarafkiisa (c) ee Dastuurka.
  2. Sida uu dhigayo qodobka 64aad ee Dastuurku, kuraasta loo tartamayo ee Golaha Shacabku waa 275 Xubnood, waxayna matelaan dhammaan Bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Doorashadu waxay ka dhaceysaa dalka oo dhan.
  3. Ilaa iyo inta laga gaarayo tirakoob rasmi ah oo ka dhaca dalka oo dhan, laguna saleynayo qaybinta kuraasta hab deegaan doorasho, 275-ta xubnaha Golaha Shacabka doorashadoodu waxa ay ka dhacaysaa meel kasta oo suuragal ah iyada oo la ilaalinayo hannaanka awood qaybsiga bulshada soomaaliyeed ku heshiisay.
  4. Sida uu dhigayo qodobka 72aad ee Dastuurku, kuraasta loo tartamayo ee Aqalka Sare ugu badnaan waa 54 Xubnood, Doorashooyinka iyo qeybinta kuraasta Aqalka Sare waxaa loo raacayaa sida ku xusan Qodobka 72aad ee Dastuurka.
  5. Sida ku xusan Qodobka 72aad xarafka (C) ee Dastuurka waa in Dowlad Goboleedyada si dhab ah u hirgeliyaan nuxurka awood qaybsiga iyo isu dheelitirnaanta matalaada bulshada ee kuraasta Aqalka Sare.
  6. Doorashada labada gole ee BFS waxay u dhacaysaa si wadajir ah, codbixiyuhunna wuxuu hal mar wada dooranayaa murashaxiinta labada gole.
  7. Iyadoo la dhowrayo waajibaadka dastuuriga ah ee midnimada dalka iyo u sinnaanta hannaanka doorashooyinka ee shacabka Soomaaliyeed, iyadoon waxba loo dhimayn nidaamka matalaadda ee ku salaysan deegaan doorashada iyo axsaabta siyaasadda, ilaa iyo inta xal kama dambeys ah laga gaarayo xaaladda siyaasadeed ee gaarka ah ee hadda jirta, doorashada xildhibaannada labada gole ee kasoo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland) waxa uu yeelanayaa habraac u gaar ah waxaana xeer kusoo soo saaraya baarlamaanka JFS.
  8. Xisbigii ku guuleysan waaya Doorashooyinka Labada Aqal codad u dhigma boqolkiiba afar (4%) tirada guud ee cododka ama 13 xubnaha Labada Aqal wuxuu luminayaa matelaada xisbi ee labada gole ee Baarlamaanka, Xubnaha la doortayna waxay u joogayaan si madaxbannaan ama axsaab kale ayey ku biirayaan.

Halkan ka aqriso sharciga oo dhan