Sharif Xasan iyo Jawaari oo ku loolamayo wasiirada iyo qaabkii ugu dambeeyey ee qeybsiga beelaha

Muqdisho (Caasimada Online) –Waxaa habeen hore dib u dhacday  xaflad lagu doonayey in lagu magacaabo golaha wasiirada oo uu asbuucyo ka shaqeenayey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kadib markii uu soo gabagabeeyey wadatashiyadii uu la lahaa xubnaha beelaha u matalo Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka hadda soo baxayo ayaa sheegayo inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya culeys aad u weyn kala kulmayo beelaha Digil iyo Mirifle, iyo sidoo kale Hawiye oo ku aadan soo magacaabista wasiirada ka mid noqonayo xukuumadiisa.

Arrintaas waxaa garab socoto loolan adag oo ay isku wajahayaan madaxwyenaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari kuwaas oo kala wato shaqsiyaad ay doonayaan in looga dhigo wasiiro waxayna shaqsiyaadkaas isku yihin qaraabo iyo saaxiibo ay aad isugu dhaw yihiin.

Shriif Xasan Sh. Aadan ayaa loolan adag ugu jiro inuu xil wasiir u helo walaalkiis ay isku hooyada yihiin ee lagu magacaabo Maxamed Xaaji Cabdinuur (Madeer) oo ahaa wasiirkii Caafimaadka Dowladdii waqtigeeda dhamaaday, Shariif  Xasan ayaa walaalkiis la doonayo in looga dhigo wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya wuxuuna sameenayaan dadaal kasta oo uu arrintaas ku gaari karo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa isna ay budadiisa gooni ugu tuman tahay wuxuuna rabaa in wasiir laga dhigo Maxamed Aadan Fargeeti oo ahaa wasiirkii maaliyadda dowladii hore.

Sida illo wareedyo rasmi ah xaqiijinayaan haddii golaha wasiirada laga dhigo ilaa 25 wasiir ama 18 wasiir ay taas sababi karto inay meesha ka baxdo loolanka adag oo ay wadaan Shariif Xasan iyo Prof. Jawaari taasoo lagu tilmaamay inay tahay faragelin qaaawan oo ay ku hayaan xulista golaha wasiirada.

Xisaabta ku darso dhismaha Xukuumad salbalaaran oo beellaha Soomaaliyeed lagu qancinayo ayaa waxa ay meesha ka saari kartaa soo ifbixidda Xukuumad tayo leh oo Wasiirro la aamini karo ay ka soo muuqdaan, waxaana hoos u dhici kara rajada Shacabka ay ka qabaan dowlad guuleysata oo milgaha iyo heybadda dalka soo celisa.

Dhawaan ayey aheyd markii uu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ka codsaday beelaha Soomaaliyeed inay ka daayaan faragelinta ay ku hayaan isla markaasna ay soo gudbistaan liiska shaqsiyaad ay rabaan inay uga soo dhex muuqdaan golaha wasiirada loona madax baneeyo isaga inuu doorto cidda uu rabo, wayna ka aqbaleyn dhammaan beelaha Soomaaliyeed.

Sababta ugu weyn ee keentay dib u dhaca ayaa lagu tilmaamay inay tahay maadaama ay kulan yeesheen madaxweynaha iyo Ra’isulwassaaraha kaasoo keenay in meesha laga saaro shaqsiyaad badan oo ku jiray liiska wasiirada

Sida la filayo Beelaha Abgaal iyo Habargidir ayaa loo kala kuwi doonaan xilalka, waxayna Mudulood heli doonaan Ra’isulwasaare ku xigeyn iyo wasiir heerkiisu yahay (B), halka Habargidir la siin doono hal wasiir oo darajada (A) lagu sheegay.

Wasiir ku qiimeysan darajada (A) ayaa la filayaa in la siiyo beesha Dirta Woqooyi oo markii hore lagu yaqiinay xilka Ra’isuwasaare ku xigeyn, waxayna u badan tahay in la siiyo wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda midkood.

Beellaha Dirta (Koonfur iyo Waqooyi)  ayaa dowladda Soomaaliya ka helay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin: Gudoomiyaha Aqalka sare, Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka hoose, Gudoomiyaha Maxkamdda sare, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Agaasimeyaal guud, Talisyo boolis, Milatari,Sirdoon, xilal safiirro iyo diblomaasiyiin ah.

Ugu dambeyntii sheekada magacaabista golaha wasiirada ayaa mareyso meel aad u xasaasi ah waxaana la filayaa inay qaadato waqti ka badan intii la filayey, waxaana hadda kulamo wadatashi ah ay u socdaan Ra’isulwasaraha iyo Madaxwyenaha oo looga Fadhiyo inay la imaadaan go’aan cad oo ku saleysan 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com