ARRIN CUSUB: Lamaane dhaqaalihii ku bixi lahaa Arooskooda ugu gurmaday dad abaareysan (Sawirro)

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Dhacdadaani cajiibka ah ayaa ka dhacday Dalka Somalia kadib markii lamaane is guursan lahaa ay dhaqaalaha Guurkooda ku bixiyeen Qoysas la il darnaa abaarta.

Lamaanahaani ku dhiiraday in dhaqaalaha ku bixi lahaa Arooskooda lagu bixiyo dadka ay abaartu saameysay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Liibaan iyo Caasha waxa ayna ka doorbideen in dhaqaalahaasi lagu bixiyo dad ladan oo heysta waxa ay ku noolaadan.

Lamaanahaani ayaa kharashkaasi ku iibiyay adeeg ay u baahan yihiin dadka tabaaleysan gaar ahaan dadka ay Abaarta ku hayso duleedka magaalladda Gaalkacyo.

Lamaanaha ayaa labada Qoys ka diiday in dhaqaalaha ku bixi lahaa Arooska lagu tamashleeyo xili Kumanaan kun oo qoys ay abaaro baahi iyo oonba leh lasoo deristay.

Lamaanaha waxa ay kordhiyeen dhaqaalaha ku bixi lahaa Arooska si dadka ay abaartu heyso ugu filnaato deeqda Farxada leh.