Loolankii ugu adkaa oo ka dhex taagan beesha Majeerteen iyo shaqsiyaadka ugu cadcad inay helaan wasiir

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli Magaalada Muqdisho ka si habsami leh uga socdo loolanka loogu jiro helista wasiirada cusub ee lasoo magacaabi doono, waxaana jiro shaqsiyaad badan oo kasoo kala jeedo beelaha Soomaaliyeed kuwaas oo aan ka baxeyn xarunta Madaxtooyada.

Dadaalkaas waxaa wado beelaha oo dhan balse waxaan warbixintaan ku eegi doono loolanka adage ee ka dhex jiro siyaasiyiin badan oo kasoo jeedo Beesha Majeerteen kuwaas oo doonayo xil wasiir.

Siyaasiyiintaas oo dhan ayaa hadda ku sugan Muqdisho, waxayna dhammaantood doonayaan inay helaan wasiirka kusoo aadayo beeshaas waxaana hadda lasoo sheegayaa inuu loolanka xoogiisa ka dhaxeeyo siyaasiyiinta kala ah:

Cali Xaaji Warsame.

Cabdi Faarax Juxa.

Sharmaake Maxamed Faarax.

Siciid Cabdullaahi Denni.

Loolanka siyaasiyiintaan ayaa laga dhex dareemayaa Xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana si rasmi ah loo ogeyn shaqsiga ilaa hadda ugu cad cad liiskaan, waxaana kasoo baxayo warar is khilaafsan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu soo waramayaa inuu isaga wato shaqsi u gaar ah oo uu booskaas la rabo inkaastoo aanan helin magaca shaqsigaas oo aan hadda ku daba joogno.

Kursiga wasiirnimo ee Beesha Majeerteen waxaa codsi usoo gudbistay ilaa 50 siyaasi oo dhammaantood ay doonayaan inay ku guuleystaan, wuxuu go’aanka kama dambeyta ah ku xirnaan doono Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali  Kheyre .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com