Muran meel-xun gaaray oo ka dhex curtay Soomaalida Ethiopia iyo Oromada (Sababta)

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya in muran xoogan uu ka dhex curtay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Ismaamulka gobolka Oromada.

Muranka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay soohdin dhuleedka labadaasi gobol u dhaxeeya, iyadoo xaalad kacsanaan ah ay ka jirto deegaankaasi.

Muranka ka dhashay soohdinta ayaa la xaqiijiyay inay ka barakaceen shacab tirro ahaan lagu sheegay 35,000 kuwaa oo qalqal amni halkaasi uga hayaamay.

Maamulka Oromada ayaa la sheegay inuu kusoo siqaayo Gobolka Soomaalida, waxa ayna taa sababtay Xiisad u dhexeysa labada maamul, oo Dowlada Ethiopia ay u taag weysay.

Xiisadaani ka dhex aloosan labada dhinac ayaa sara kacday kadib markii tuulooyin badan oo Soomaali leedahay ay xoog ku dageen Boqolaal qoys oo ku abtirsada Qowmiyadaha Oromada.

Qowmiyadda Oromada ayaa dhul boob baahsan ku heysan Dhulka Soomaalida ee hore loogu yiqiinay magaca “Soomaali galbeed”, waxa ayna tani dhalisay kalsooni darro u dhexeysa labada dhinac.

Dhul balaarsiga Oromada ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Dowlada Ethiopia ay la daaladhaceyso xaalado adag oo qalalaase ah.

Dhul balaarsiga Qowmiyada Oromada ayaa sidoo kale soo shaac baxay kadib markii Dowlada Ethiopia ay dabcisay bandowgii ay ku rogtay qeybo ka mid ah dalkaasi oo banaanbaxyo rabshado wata ay abaabulayeen Qowmiyadaha Amhara iyo Oromo.

Dhinaca kale, Dowlada Ethiopia ayaa la sheegay inay u taagweysay muranka dhanka soohdinta ah ee u dhexeeya labada dhinac waxaana xusid mudan in qaar kamid ah madaxda Ethiopia ay la safteen Qowmiyada Oromada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com