Caddeyn: Dowladda Soomaliya oo waqtiga u kordhisay shirkadda PGM ee baarto tayada raashinka Dakadda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda PGM waa shirkad laga leeyahay dalka Turkiga waxayna qaabilsan tahay baaritaanka tayada Raashinka la geeyo wadamada, waxayna ilaa hadda inta la xaqiijiyey ka howl gashaa ilaa 40 wadan oo ay kamid tahay Soomaaliya.

Shirkaddaan ayaa lagu wareejiyey baaritaanka tayada Raashinka kasoo dago Dakadda Caalamiga ah ee Muqdisho, waxaana heshiiskaas saxiixay dowladdii waqtigeeda dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Haddaba waxaa dhamaaday waqtigii shirkadda lagula heshiiyey loona saxiixay inay howshaas ka qabato Dakadda Muqdisho, waxaana jiro loolan adag oo u dhaxeeyo shirkado Soomaali ah iyo middan Turkiga ah kuwaas oo doonayey inay iyaga markooda loo saxiixa heshiis noocaas oo kale.

Haddaba waxaa waraaq kasoo baxday Madaxtooyada Villa Soomaaliya lagu shaaciye in ilaa 3 bil loogu daray shirkaddaan inay kasii shaqeyso dakadda Muqdisho, waqtigaas loogu daray ayey dowladda ka dhawaajisay inay dalka Keeni doonto Sheybaaro casri ah isla markaasna ay hadda kadib shaqadaas qaban doonto hey’ado hoostago dowladda Soomaaliya.

Haddaba Caasimadda Online ayaa heshay waraaqdii lagu shaaciyey in 3 Bil loogu daray shirkaddaas, waxaana ku saxiixnaa agaasimha Madaxtooyada Villa Soomaaliya Danjire Cali Saciid Fiqi.

Hadda halkaan hoose ka aqriso waraaqdaas

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com