Maxaadan ogeyn oo ka dhex socda Markabka kooxda Burcad-badeeda ugu jira gacanta?

Garoowe (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Markabka Aris 13 oo maalmo un ka hor u gacan galay Kooxo Burcad-badeed ah, waxaana wali hor fadhiya Markabka Ciidamada Badda Puntland.

Ciidamada Badda Puntland iyo Kooxahaasi ayaa maanta is farasaaray muddo Seddex jeer ah, kadib markii Ciidamada Puntland ay Hubka culus ku rideen Markabka.

Kooxda Burcad badeeda oo la hadlay Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in ay dili doonaan shaqaalaha udhashay dalka Siri Lanka, haddii ciidanka Puntland ay joojin waayaan weerarada ay kusoo qaadayaan markabka.

Kabtanka, markabka gacanta ugu jira kooxda Burcad badeeda, oo isna la hadlay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka codsanaayo in ay joojiyaan weerarka ay kusoo qaadayaan markabka, maadaama naftooda ay qatar ku jirto.

Kabtanka waxa uu sheegay haddii ay sii socdaan weerarada lagu soo qaaday Markabka ay noqon doonaan kuwo dhammaantooda la dila, waxa uuna ku baaqay in la hakiyo weerarka isla markaana lagu badbaadiyo wadahadal dhexmaray DFS, Maamulka Puntland iyo Kooxaha ay gacanta ugu jiraan.

Kabtanka waxa uu sidoo kale sheegay inay ku filan tahay Jirdilka iminka loo geystay, sidaa darteedna uu Dowlada Somalia iyo Maamulka Puntland ka dalbanaayo inay qaboojiyaan xaalada oo aysan sabab u noqon geeridooda.

Kabtanka waxa uu intaa ku daray in Kooxaha Burcad-badeeda ay ka soo miyeen xitaa Biyaha waxa uuna cadeeyay in iminka ay ku jiraan xaalad tii ugu adkeyd isla markaana ay dalbanayaan badbaado.

Sidoo kale, Cali shire Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Degmadda Caluula oo la hadlay Warbaahinta Maxaliga ah ayaa isna sheegay in Dagaalku uu sii socon doono ilaa inta laga badbaadiyo Markabka iyo Shaqaalaha Saaran.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay inaysan suuragal noqon doonin in Markabkaasi lagu sii hayo Xeebaha Puntland waxa uuna cadeeyay inay ka xigaan Dagaal haddii aan lasii deyn Markabka iyo Shaqaalaha la socda.

Markabkan oo lagu magacaabo ARIS 13 ayaa kasoo shiraacday magaalada Jabuuti waxaana uu u socday Muqdishu markii la afduubay.

Dhinaca kale, Mas’uuliyiinta la socda Markabkaasi ayaa sheegay in ay la socdaan toddoba qof oo shaqaale ah oo u dhashaya dhammaantood dalka Sirilanka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com