28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

SHARIIF oo ka jawaabay dalabkii beesha caalamka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Shariif Sheekh Axmed, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray kaga jawaabay baaqii Beesha Caalamka, taasoo Isniintii si weyn usoo dhaweysay gogosha qaran ee lagu baaqay, ee u dhexeysa siyaasiyiinta mucaaradka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada.

Saaxiibada caalamka ayaa muujiyey door ka duwan kii ay hore ugu lahaayeen arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan adeegsiga erayo ka duwan kuwii hore oo ahaa talooyin iyo soo jeedinno. Waxaana ay hadda si isku mid ah baaq ugu direen Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, siyaasiyiinta iyo qeybaha kale ee bulshada.

“Waxaan ku boorrinaynaa Dowladda, madaxda dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, iyo saamilayda siyaasadeed iyo kuwa bulshada inay si dhakhso leh u kulmaan, si loo xaqiijiyo fal-celin mideysan oo wax-ku-ool ah, kuna aaddan dagaalka socda ee Al-Shabaab. Fal-celintan waa arrin mudnaan degdeg ah u leh amniga qaranka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Wakiillada Beesha Caalamka.

Intaas kadib, Xisbiga Himilo Qaran ayaa soo saaray bayaan af Ingiriisi ku qornaa, kaasoo lagu bogaadiyey tallaabada saaxiibada caalamiga ah. Xisbigu wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo dadaalka Madaxweynaha, si gogosha uu dhigay Madaxweyne Xasan u noqoto mid waxtar leh oo natiijo laga gaaro.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si diirran u soo dhaweynayaa bayaanka wadajirka ah ee ay soo saareen saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, kaasoo taageeraya hindisaha Dowladda Federaalka ee ku aaddan wadahadal qaran oo loo dhan yahay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xisbiga ayaa sidoo kale sheegay inuu garwaaqsan yahay muhiimadda gogosha waqtigan la dhigay, iyadoo dalka uu ku jiro xilli xasaasi ah oo ay sii dheer tahay dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Xisbigu wuxuu si buuxda u garwaaqsan yahay muhiimadda ay leedahay in la qabto wadahadal qaran oo ay ka qeyb qaataan dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed iyo bulshada Soomaaliyeed, si loo wajahdo arrimaha mudnaanta leh ee dalka sida dhameystirka dastuurka, amniga qaranka, doorashooyinka, iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka ah,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, Xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ayaa uga mahadceliyey saaxiibada caalamka taageerada joogtada ah iyo doorka wax-ku-oolka ah ee ay ku leeyihiin dadaallada Soomaaliya ee dhanka dhismaha dowladnimada, nabadda iyo xasilloonida.

Madaxda Xisbiga ayaa shaaca ka qaaday inay ka qayb-galayaan gogosha la dhigay, si looga wada hadlo is-mariwaaga taagan ee ku aaddan xaaladda dalka.

“Waxaan mar kale adkeyneynaa sida aan uga go’nahay ka qeybgalka madal wadahadal oo loo dhan yahay, annagoo muujineyna diyaar-garow buuxa iyo in la dedejiyo hirgelinta, si looga hortago dib u dhac dheeraad ah oo halis gelin kara amniga iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka,” ayaa lagu daray.

Ugu dambeyn, Xisbiga Himilo Qaran ayaa xusay inuu sii wadi doono dadaalladiisa ku saleysan midnimo, nabad, iyo hoggaan daahfuran oo wax-ku-ool ah, si loo gaaro horumar iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News