Shariif oo sheegay arrin looga gudbi karo xaaladda taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayey kulan loogu duceynayey xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa ka hadlay xaalada ammaan ee dalka & walaaca soo kordhay ee la xiriira xaalka dalka.

Sheekh Shariif ayaa shaaca ka qaaday hal arrin oo looga gudbi karo walwalka ka dhashay amniga dalka, wuxuuna tilmaamay in wadajir looga gudbi karo xaaladda adag ee lagu jiro.

Musharrax madaxweyne Sheekh Shariif ayaa hoosta ka xariiqay haddii amniga meel looga soo jeesto oo la’is xilsaaro in laga adkaan karo kooxaha ku howlan amni darrada.

“Waxaa la yiri amnigaa walwal ka jiraa marka haddii loo jeesto oo la’is xilsaaro waxaana aaminsanahay in laga gudbi karo, laakiin inta qof weliba uu madaxda gadaal marinaayo oo isleeyahay halagaaga hormaro waxaani sidaan ayey u soconayaan,” ayuu yiri Sheekha.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xaaladdani lagu sii jiri doono, haddii aan lala imaan isbeddal, laguna dhiiran in la sugo nabad-gelyo guud ee dalka.

“Ummad aan talo laheyn oo ku dhiiraneyn inay nabadda sugato nabad ma istaahisho, mana arkeyso,” ayuu sii raaciyey madaxweynihii hore dowladdii KMG aheyd.

Hadalkan ayaa kus oo aadaya, xilli ay kooxda Al-Shabaab kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha dalka, iyada oo lagu jiro marxalad kala guur ah iyo sidoo kale xilli doorasho.