25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Shariif Xasan iyo xubno ka tirsan DF Somalia oo isku qorshe ah maanta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) Warar la isku haleen karo oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegaya xubno uu ku jirro Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh ay maanta oo Sabti ah u ambabixi doonaan magaalada Bayddhabo ee xarunta gobalka Baay.

Wafdiga ku sii jeeda Baydhabo waxaa ku jirra wasiiro horrey iyo siyaasiyiin kuwaasoo la sheegay in ay wadaan olole ku saabsan siddii loo dhisi lahaa maamul cusub oo loo dhisaayo lix gobal oo ku yaalla koonfuf galbeed ee dalka.

Magaalada waxaa hadda ku sugan siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan dowladda, waxaana ka mid ah guddoomiyihii horre ee baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Madoobe”

Magaalada waxaa hadda soo gaaraya siyaasiyiin iyo ergooyin kale oo ku howlan dhismaha maamulka cusub oo lagu wado in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo.

Ammaanka goobta uu shirka ka dhacayo waxaa la wareegay ciidamo AMISOM.

Gobalada maamulkan cusub loo sameenaayo waxaa ka mid ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, kuwaaso hadda leh maamul kumeel gaar ah oo madax uu yahay Axmed Madoobe.

Dowladda Soomaaliya ayaa horrey u aqoonsatay maamulka Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News