SHARIIF XASAN Sheekh oo mar kale la weeraray & xiisad ka taagan Beydhabo

Beydhabo (Caasimada Online)-War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in markale maanta la weerarray Shariif Xasan Sheekh oo hadda ku sugan magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Wariye ka tirsan caasimada Online ayaa soo sheegay in dad careesan ay weerar ku qaadeen Hotelka Bakiin oo lagu waday in uu maanta tago Shariif Xasan Sheekh oo uu ololeenaya dhismaha maamul gobaleed ka kooban seddax gobal.

Dadka dibad baxayay oo waddooyinka xiray kuna gubay shaagag ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan Shariif Xasan Sheekh.

Xaalada magaalada Beydhabo ayaa weli kacsan, waxaana xiran dhammaan goobaha ganacsiga magaalada sidda uu ku soo warramay Wariyaha Caasimada Online ee Beydhabo.

Waa maalintii labaad oo Shariif Xasan Sheekh loo didday in uu tago hotelka Bakiin oo ay ku shirayaan odayaal iyo siyaasiin doonaya in ay dhisaan maamul ka kooban seddax gobal.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin xiisada ka taagan magaalada Beydhabo oo ay ka socdaan shirar iska soo horjeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com