Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Beydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed laga dareemayaa Siyaasado kacsan oo lagu doonaayo in lagu badbaadiyo Kursiga uu ku fadhiyo Hogaamiyaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Shariif Xasan ayaa wajahaaya culeysyo dhowr ah oo kaga imaanaya dhanka dowlada Federaalka, waxaana intaa u dheer kacdoonka Xildhibaanada maamulka oo gaarsiisan heer Mooshin.
Xildhibaanada maamulka oo diyaariyay Mooshin xil ka qaadis ah, ayaa waxaa ku garbinaaya dowlada Federaalka oo aad uga soo horjeeda Siyaasado uu adeegsanaayo Shariif Xasan.
Xildhibaanada maamulka oo kuwooda halista badan laga mamnuucay galitaanka Beydhabo ayaa Mooshinkooda ku diyaarinaaya Muqdisho, halka qaarna ay ku go’doonsan yihiin Degmada Afgooye.
Sida la rumeysan yahay dowlada Federaalka ayaa riditaanka Shariif Xasan u adeegsaneysa Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee iminka ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaa oo lagu bixiyo dhaqaale xoogan.
Shariif Xasan culeysyada ugu badan ka heystaan dhinacyada dowlada iyo baarlamaanka maamulka ayaa qarka u saaran inuu go’doomiyo deegaanada maamulka, isla markaana Garoonka Baydhabo ka mamnuuco inay ka degto dowlada.
Dagaalka ku furan Shariif Xasan ayaa looga gol leeyahay in lagu qafiifiyo colaadaha uu Hogaamiyaha kaga soo horjeedo dowlada Federaalka, waxaana xusid mudan in qorshaha muuqda ee dowlada uu yahay in laga taqluusiyo Hogaamiyayaasha hadda haya xilalka.
Si kastaba ha ahaatee, dowlada Federaalka ayaa dooneysa in la helo Hogaamiyayaal ka duwan kuwa iminka ka arimiya maamulada ee aadka u dhaliilsan Siyaasada dowlada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

