25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Shariif Xasan oo qorshe uu damacsan yahay ka dhameystay Xasan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa maalmihii dhowaa is-baheysi cusub la sameysanayey madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Sida ay ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online, isu soo dhowaanshaha labada dhinaca ayaa billaabmay, markii madaxweynaha uu g’aan ku gaaray inuu xilka ka dego ra’iisul wasaare Saacid, markaasi oo Shariif Xasan uu taageero arrintaas ku aadan u yaboohay.

Shariif Xasan, ayaa lagu soo warramayaa inuu kaalin weyn ku lug lahaa ololihii lagu shukaamiyey xildhibaano badan, oo ka mid ahaa kuwii mooshinka ka keenay Ra’iisul wasaare Saacid, isaga oo gacan siinaya madaxweynaha.

Sida warku lee yahay Shariif Xasan ayaa taageeradan u yaboohay madaxweynaha isaga oo qorshe siyasaadadeed kaea damacsan, kaasi oo ah maamulka koonfur galbeed ee Somalia.

Guddoomiyihii hore ee baarlamanka, ayaa doonaya inuu noqday madaxweynaha maamulka koonfur galbeed ee Somalia, waxaana hadda lagu warramay in madaxweyne Xasa Sheekh uu ballanqaaday inuu ku taageri doono qorshahan cusub, iyo inuu aqoonsado maamulka koonfur galbeed.

Magaalada Baydhaba, ayaa waxaa maalmihii dhowaa ku qul qulayay siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanadaas, xilli dhismaha mamulkaasi uu gebo gebo ku dhow yahay, waxaana lagu wadaa inuu Shariif Xasan ku biiro ergooyinka halkaasi tagaya dhowaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News