Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo waxaa maanta oo Sabti gaaray wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Sheekh Aadan.
Wafdiga oo la socday diyaarad gaar ah oo ka keentay magaalada Muqdisho, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha, waxaana halkaas ku sugaayay xildhibaanno,mas’uuliyiinta ka maamulka gobolka iyo dadweyn kale.
Shariif Xasan oo saxaafadda kula hadlay Baydhabo ayaa ujeeddada safarkooda ku tilmaamay inay tahay sidii ay uga qeyb-gali lahaayeen shirka maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya ee ka socda magaalada Baydhabo.
Wafdiga waxaa la dejiyay hoteelka Bakiin, waxaan ammaankooda sugaya ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Magaalada waxaa horrey u joogay xildhibaanno iyo siyaasiyiin kuwaasoo ka qaybgalaya shir ka socda xarunta ADC-da, kaasoo ay ku sugan yihiin ergooyin ka kala yimid gobalada maamulka loo sameenaayo.
Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu arkayaa siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan dowladda.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Baydhabo