SHARIIF XASAN oo weeraray Axmed Madoobe kuna biiray mooshinka ka dhanka ah Jubbaland

Baydhaba (Caasimada Online) – Shariif Xasan Shekh Aadan Hogaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Jubbaland, inuu kaga baxay heshiis ay horay u wada gaareen.

Heshiiska ayaa ahaa in dadka deegaan ahaan kasoo jeeda Baay iyo Bakool, balse ku nool deeganada Jubbooyinka iyo Gedo, saami qaybsiga Baarlamaanka Jubbaland ay ka helaan xaqa ay ku leeyihiin.

Wuxuu sheegay Shariif Xasan in, iyadoo heshiiskaasi uu jiro Axmed Madoobe uu jabiyay heshiiska uuna ka baxay, maadaama sida uu sheegay Shariif Xasan Baarlamaanka Jubbaland, qaab cadaalad ah aan lagu soo dhisin.

Hogaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale taageero ku biiriyey mooshinka ka dhanka ah Jubbaland ee baarlamanka Soomaaliya ka socda.

Shariifka waxa uu sheegaya in Baarlamaanka Soomaaliya ay yihiin dadka ay ka go’do nidaamka shuruucda dalka, islamarkaana mooshinka Baarlamaanka hor yaallo ee laga keenay Baarlamaanka Jubbaland uu yahay mid sharci ahaan Baarlamaanka ay go’aan ka gaari karaan.

“Anaga horay waxaan ugu heshiinay in Baarlamaanka dhismihiisa qaab deegaan ah lagu soo xulo, laakiin dadka Koonfur Galbeed kasoo jeeda ee Jubbooyinka degan xaqooda waa la duudsiiyay.” Ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Cabasho ayaa weli ka taagan qaabka loo soo xulay dhismaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland, iyadoo arintaan Xukuumadda ay faragelisay jawaabna laga sugaayo Guddi ay Dowladda magacaabi doonto oo Maamulka Jubbaland la fariisan doona.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa ku adkeesanaya in Baarlamaanka Maamulkooda uu yahay mid sharci ah oo nidaam wanaagsan lagu soo dhisay.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com