Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Shariif Xassan Sheekh Aadan uu hakiyay doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia.
Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Shariif Xassan uu doorashadaasi u hakiyay sababo la xiriira Ergadii wax dooran laheyd oo qaarkood ku xaniban magaalada Muqdisho sababo la xiriira diyaarad la’aan soo food-saartay.
Ergadaani ayaa la sheegay inay wataan xubno dhowr ah oo aan wali loo dooran xubinimada Aqalka Hoose, waxa ayna taa dhalisay in Shariif Xassan uu hakiyo doorashada.
Mid kamid ah Ergada ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Ergada maqan ay yihiin kuwo aan laga maarmikarin, waxa uuna tilmaamay in qaar iyaga kamid ah ay soo gaaren Baydhabo balse ay jiraan qaar maqan.
Waxa uu intaa raaciyay inay suuragal tahay in maanta ay soo gaaran magaalada Baydhabo, isla markaana la dhameystiro kuraasta ka harsan Aqalka Hoose.
Sidoo kale qaar ka mid ah Xubnaha musharaxiinta Koonfur Galbeed iyo Ergooyinkooda ayaa xili hore gaaray magaalladda Baydhabo kuwaasi oo dhaqaalaha ka baxsaday jeebkooda.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan Madax farabadan kuwaasi oo loolan ugu jira sida ay uga mid noqon lahaayen Aqalka, waxaana jira qaar kamid noqday Aqalka.
Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com