Sheekh Shaakir oo go’aan lama filaan ku dhwoaaqay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan madaxa xukuumadda Galmudug ayaa xalay ku dhawaaqay go’aan lama filaan ah, isaga oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda 1-da luulyo oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay inay diyaar u yihiib in hay’adaha ammaanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay si wadajir ay uga howlgalaan magaaladaasi.

Sidoo kale waxa uu xusay in loo baahan yahay Galmudug oo mid ah iyo xasilooni ka hirgasha deegaanadeeda.

Madaxa xukuumadda Galmudug ayaa intaasi ku daray in go’aankan uu ku soo aaday munaasabada qiimaha badan ee 1-da Luulyo, islamarkaana ay si dhab ah u dhaqnb doonaan, si loo xoojiyo wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Galmudug.

Hadalkan ayaa waxa uu si aad u soo jiitay dhammaan shacabkii iyo madaxdii ku sugnaa madasha, kuwaas oo uu ka mid ahaa Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Jawiga xafladda ayaa waxaa mar qura is wada qabsaday dabaal dag iyo Sacab, kadib go’aanka cusub ee uu ku dhuwaaqay Shaakir.

Tan iyo markii ay kala boodeen Xaaf iyo Ahlu-Sunna ayaa waxaa jiray isku soo dhawaasho u dhexeysay dowlada federaalka iyo Galmudug.

Ahlu-Sunna iyo garabka Cadaado ayaa haatan si aad ugu xifaal tamaya siyaasadda cusub Galmudug iyo arrimaha doorashada la filayo in la qabo bisha July ee soo socota.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com