SHEEKH SHAAKIR oo loo doortay madaxweynaha Galmudug ee Ahlu-Sunna

Dhuusomaree (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa goor dhow loo doortay madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu-Sunna Waljamaca, kadib codeyn ka dhacday magaalada Dhuusomareeb.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa doortay xildhibaanada baarlamanka Galmudug ee shalay ay soo dhistay Ahlu-Sunna, waxaana la sheegay inay la tartameen laba musharax oo markii dambe u tanaasulay Sheekha.

Xildhibaanada ayaa tanaasulka kadib codeyn gacan taag ah qaaday, kuna doortay Sheekh maxamed Shaakir inuu noqdo madaxweynaha Galmudug.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dhinaca kale baarlamanka Galmudug ee garabka dowladda taageersan ay maanta dhageysteen hadal-jeedinta musharaxiinta madaxweynaha Galmudug.

Doorashada Galmudug ee garabka dowladda taageersan ayaa la qorsheeyey berri, hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa in laga yaabo in dib loo dhigo, ayada oo cadaadis xooggan uu ka imanayo beesha caalamka.

Xaaladda Galmudug ayaa jahwareer iyo qas xooggan isu beddeshay, ayada oo sababtana lagu sheegay faro-gelinta dowladda federaalka iyo qorshaha ay musharaxa ay wadato si qasab ah uga dhigeyso madaxweyne.