Aqalka Sare ee BF oo ka hor-yimid ‘Heshiiska Qarniga ee uu Trump ku dhowaaqay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa soo saaray Qaraar ka dhan ah heshiiska Qarniga ee caasimada Qudus uu madaxweynaha Trump uu ugu aqoonsaday inay tahay caasimada Yuhuudda.

Aqalka Sare ayaa cod u qaaday mooshinka ka dhanka ah heshiiska qarniga oo duulaan ku ah Islaamka iyo Madax bannaanida Falastiin,waxaana cod gacan taag ah ku ansixiyey dhammaan mudanayaashii fadhiga soo xaadiray oo gaarayey 30 Senator.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday qorshihiisa muddada la sugayey ee nabadda Bariga Dhexe, wuxuuna ballan-qaaday in Qudus oo aan la ka qeybin ay ahaan doonto caasimadda Israel.

Qorshahan oo Trump uu ugu magac daray “Heshiiska Qarniga” ayaa soo jeedinaya dal madax banaan oo Falastiin ah, hase yeeshee wuxuu deegaanada Daanta Galbeed ee Yahuudda ay qabsadeen u aqoonsanayaa dhul Israel.

Dhinaca kale qaar ka tirsan Hoggaamiyeyaasha Dunida ayaa ka horyimid qorshaha Trump ee ku aadan qadiyadda Bariga Dhexe, iyadoona maslimiinta qaar ay ka banaan baxeen arrintan.

Waxaa xusid mudan in Dowlado ka tirsan Carabta ay Mareykanka kala shaqeeyeen heshiiskaan isla markaasna ay raali ka yihiin in Yahuuda ay xoog ku qaadato dhulka reer Falastiin.