Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxa xukuumadda Galmudug ahna mas’uulka ugu sarreeya Ahlu Sunna, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku adkeystay inaysan jirin magaalo ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya oo ururka Ahlu-Sunna laga qabsaday.
Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen Guriceel iyo Matabaan, sidoo kalena ciidamadii Ahlu-Sunna ay isaga baxeen magaalada Dhuusomareeb.
Hase yeeshee, Sheekh Shaakir oo wareysi siiyey idaacadda BBC ayaa qaab kale u dhigay ciidamada magaalooyinkaas galay, wuxuuna sheegay in ciidamada shalay ilaa maanta la wareegay magaalooyinkaasi ku tilaamay ciidamadii dowladda dhexe iyo kuwa Ahlu Sunna ee dhawaan la isku daray.
“Ma jirto magaalo gobollada dhexe ah oo la qabsaday. Deegaannadaasi uma baahna in dadkii xoreeyay haddana la niyaysto in laga xoreeyo. Marka, arrintaasina wadahadal ayay ku jirtaa,” ayuu yiri Sheekh Shaakir, oo aan faah-faahin ka bixin waxa uu yahay wada-hadalkaas.
“Ciidamada aad maqleyso waa ciidamadii aan isku darnay, ee maamulkii Ahlu Sunna wal-jameeca ciidamadiisa iyo ciidamadii dowladda weeye ciidamada adeegaya ee shaqeynaya. Marka, degmooyinkii sidii bey u shaqeynayaan, booliskii lagu tala galay sidii buu u shaqeynayaa, nabad sugiddii, ciidamo 400 ah baa lagu talagalay in ay ammaanka sugaan caasimadda Dhuusamareeb amnigeeda ciidamadii gacanta ku hayay ayaa gacanta ku haya,” yuu yiri.
Sheekh Shaakir ayaa sheegay inuu jiro hadda xiriir u socda madaxda dowladda iyo ururka Ahlu-Sunna, oo lagu dhameynayo xiisadda, waxaana uu intaas ku daray inaanu dooneyn in hal xabbad ay dhacdo, islamarkaana dhaawac iyo dhimashada xitaa hal qof ay ka dhacdo gobollada dhexe.
Ciidamada dowladda Federaalka ayaa shalay oo Sabti ahayd si buuxda ula wareegay gacan ku haynta magaalada Guriceel, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad taabacsan ururka Ahlu Sunna, ayada oo ciidamada Ahlu-Sunna ay maanta ka baxeen Dhuusomareeb.
Sheekh Shaakir ayaa sheegay in uu hataan socdo wadahadal lagu xallinayo khilaafka u dhaxeeya iyaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna intaa ku daray in ay haatan ka arrinsanayaan sidii loo mideyn lahaa guddiyo ay kala magacaabeen iyaga iyo dowladda Federaalka.
Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
caasimada@live.com