Daawo: Sheekh Shibli oo ka hadlay waxa ay diinta ka qabto in taallooyin la dhiso

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shiikh Maxamuud Shibli oo ka tirsan Culimada Soomaalida ayaa ka hadlay taalooyinkii dhawaan dib looga taagay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho iyo waxa ay ka qabto Shareecada Islaamka.

Shiikh Shibli ayaa sheegay in shareecada islaamka aysan meelna uga qorneyn in taalooyin la sameeyo magac kasta haloo yeelo ama maamuus maqaam.

“Si kooban Shareecada Islaamka ma qabto in taalooyin la dhiso magac kasta haloo yeelo, ama maamuus maqaam ” ayuu yiri.

Shiikha ayaa sheegay in taalooyinka loo xaaraantinimeeyey iyadoo laga cabsanayo inay ka dhalato fidnimo iyo fasaad sidaasna uu Rasuulka ku amray in la burburiyo taalo kasta oo la arko.

Shiikh Shibli oo ka hadlayey waxa ay shareecada ka qabto in lacag lagu bixiyo dhimsha taalooyinka ayaa sheegay inay qalad tahay.

Wuxuu caddeeyey inaysan macna laheyn taallo meel la suray, dadkuna ay wax ku noqon karaan in damiirkooda la dhiso, tarabiyadooda la toosiyo.

Wuxuu ku tilmaamay in lacag aysan u qalmin lagu bixiyey dhismaha taalooyinka taas badalkeedana ay aheyd in dadka la dhiso.

Ugu dambeyntii wuxuu tilmaamay inaysan jirin si ay ku banaan tahay taalooyinkaas.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan ay Dowladda Soomaaliya lacago malaayiin Dollar ah ku bixisay dib u habeynta taalooyinkii loo sameeyey halgamayaashii dalka soo maray.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Shiikha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com