23.6 C
Mogadishu
Monday, January 5, 2026

Sheekh Shariif oo ka hadlay jabka ku dhacay saaxibkiisa hore ee Shariif Xasan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka qayb-gaay kulan dadweyne oo ka dhacay Muqdisho ayaa ka hadlay jabka saaxibkiisii Shariif Sheekh Aadan kasoo gaaray doorashadii goleyaasha deegaanka ee magaalada Muqdisho, taas oo uu ka qayb-galay markii uu kasoo baxay Madasha Samatabixinta.

Xisbiga Shariif Xasan ee Horumar iyo Midnimo Qaran ayaa dhawaan qaadacay natiijada doorashada goleyaasha deegaanka Gobolka Banaadir, isaga oo sheegay in codadkoodii degmada Waabari la gadistay, loona wareejiyay xisbi kale.

“Ujeedo qaadacaadda natiijada doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banadir, Urur Siyaasadeedka Horumar iyo Midnimo Qaran waa urur si sharci ah ugu diiwaangashan Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaran, kana mid ahaa ururradii ka qayb-galay doorashadii golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir ee ka dhacday Muqdisho. Kadib qiimeyn rasmi ah ururku wuxuu xaqiijinayaa madax banaanida iyo dhex-dhexaadnimada Guddiga Doorashooyinka la jabiyay, isla markaana maqnaashiyaha maxkamadda dastuuriga ah ay meesha ka saartay habkii sharciga ahaa ee lagu xallin lahaa murannada doorashooyinka”.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay “Intaa waxaa dheer natiijada Ururka Horumar iyo Midnimo Qaran ee degmada Waabari oo ay Guddiga Doorashooyinka horay u shaaciyeen ayaa si sharci darro ah loo farogeliyay, loona wareejiyay Urur Siyaasadeedka JSP ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh”.

Intaas kadib Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay cabashada saaxibkiisii ayaa sheegay inay horay uga digeen inuu ka qayb-galo doorashada Muqdisho, balse uu diiday, isla markaana uu ka xun yahay waxa ku dhacay.

“Shariifka raalli ha’iga ahaado waa saaxibkey waa ka celin weynay waxaan dhahnay meeshan doorasho kama jirto been ayaa ka socoto ee ha u camirin, wuxuu yiri waa isku dayaa waa fiirinaa waana arageen wixii dhacay” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Doorasho la leeyahay reer hebel degmadaas ha qaataano reer kalena degmadaas ha qaataano horta doorasho ma’ahan. Doorasho waxaa la rabaa xisbi inuu dadka soo saaro waxaa la rabaa dad inuu soo sharraxdo, dadkuna ay axsaab ku galaan”.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku dhuftay in aan la aqoon waxa kasoo baxaya doorashadaan, ayna lamid ahayd dabeyl soo martay reer Muqdisho.

“Doorashadaan kama soo baxaayo guddoomiye degmo, guddoomiye gobol kama soo baxayo, bal ii sheeg waxa kasoo baxaayo” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu ka hadlay maqaamka Muqdisho, isaga oo sheegay in wax weliba ay shacabka uga muhiimsan tahay in la caddeeyo metalaada Muqdisho.

“War waxaa laga waayay dowladda maqaamkii magaalada Muqdisho sameeya, diiwaangelintaan xoogga ah inaad iska dhaaftiin axsaabta la heshiiya dadka hasoo saaraano iyagu” ayuu mar kale yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News