Sheekh Shariif oo Muqdisho ka billaabay xallinta laba arrin oo DF ay xalin weysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka socday kulamo kala duwan oo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed uu la qaadanayay masuuliyiinta dowladda.

Sheikh Shariif ayaa xalay la kulmay guddoonada baarlamaanka labada aqal ee dalka, waxaana kulamadaasi ay qeyb ka ahaayeen kulamo maalmahaan uu ka waday magaalada Muqdisho.

Kulanka koowaad ayaa dhex maray guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka iyo madaxweyne Shariif Sheikh Axmed waxaana la sheegay in looga hadlayay sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhaxeeya labada aqal.

Kadib waxaa Shariif Sheikh Axmed uu la kulmay guddoomiyaha golaha shacabka, waxaana kulamadiisa ku wehlinayay xubno ka tirsan xisbiga HIMILO Qaran.

Sheikh Shariif ayaa shalay kulan la qaaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo kala hadlay arimaha amaanka iyo sidii loo wanaajin lahaa xiriirka xumaaday ee dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Wuxuu magaalada Muqdisho ka wadaa dadaalo ku aadan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka, waxaana uu sidoo kale qeyb ka yahay qorshaha hergelinta shirka la filayo inuu ka dhaco magaalada Garowe.

Kulamada uu la qaatay xubnaha labada aqal ee baarlamaanka ayaa waxaa uu xal ugu raadinayaa khilaafka baarlamaanka iyo xal u gaarista is qabqabsiyada ka dhashay dhameystirka Dastuurka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com