Sheekh Soomow oo dalbaday in maxkamad la soo taago taliyaha ciidanka booliska

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabduqaadir Sheekh Maxamed (Soomow) oo ka mid ah culuma u diinka caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa eedeyn culus u jeediyey taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kadib wareysi uu siiyey Idaacadda Kulmiye.

Somow ayaa sheegay in muddo labo jeer ah ay is hortaag ku sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed, lagana celiyey illaa labo bar koontorool oo ku taalla isgoysyada Sanca iyo Darjiinka ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu la xariiray taliyaha guud ee ciidanka Booliska, Maxamed Cabdi Xasan (Xijaar), balse uusan waxba ka qaban cabashadiisa.

Sheekh Soomow ayaa xusay in taliyuhu markii uu la xariiray uu ku jees jeesay, sida uu hadalka u dhigay.

“Si jees jees ah oo kibir ku jiro ayuu ugu yiri anigoo ah taliyhii ciidanka Booliska miyaa isoo waceysaa jid ayaa iga xiran, waana ugu damiyey Taleefanka.” ayuu yiri Soomow.

Waxa kale uu sheegay inuu ka baaqday xaflad Nikaax ah oo uu socday xilligaas, aadna uu uga xumaaday jawaabta uu kala kulmay taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inuu dalbanayo in maxkamad la soo taago taliye Xijaar, si wax looga weydiiyo arrintaasi iyo dhibaatooyinka ka jira waddooyina Caasimada.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com