Sheekh Soomow oo sheegay in tallaabo ay qaaday DF ay yareysay doorkii culimada

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo kamida Culimada magaalada Muqdisho ayaa markii u horeysay ka hadlay dhaliilo loo jeediyay Culimada, taasi oo la xiriirtay qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Zoobe 29-kii October 20222.

Sheekh Soomow ayaa sheegay in Culimada ay gudatay waajibkoodii kaga aadana qaraxyadii Zoobe 2, islamarkaana ay u daba fadhisanayaan arrintaan hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo dowladda u igmatay.

“Culimada waxaa laga rabay in naftooda ka bilaaban oo wax bixiyaan, dhigooda iyo hantidooda bixiyaan oo ay jiheeyaan umadda. Waxaa fariistay telefishanka Qaranka aniga oo ku hadlaya afka culimada Soomaaliyeed oo ku baaqay in lasoo gurmado,” ayuu yiri.

“Baaqii waa laga jawaabay Alxamdulilah, waxaa bilaabay wiilkayga curadka ah oo xertaydii gebigooda meeshay tageen oo dhiig ayey bixiyeen. Kulan deg deg ah ayaa isugu imanaya anaga iyo ganacsatada oo lacago ayaa jira ay yabooheen, waxaa wadna wacyi-gelin gudaha iyo dibadda.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in isbedelka kaliya ee jira uu yahay in dowladdii hore ay hogaaminta masiibadii Zoobe 1 ay u igmatay masuuliyadeeda culimadda, hase yeeshe ay dowladdaan iyadu u xilsaartay hogaaminta arrintaasi hay’adda Maareynta Masiibooyinka.

“Shalay dowladdii xiligaas jirtay iyada tiri Culimada hogaamiya, dowladda hadda jirta waxa u dhisan hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo haddii ay yiraahdaan Culimada ha hogaamiyaan diyaar ayaa u nahay hadeysa dhihin hay’addaha jira in aan caawino ayaa diyaar u nahay, ma nihin dad xil u rooraya.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Tallo ayaa bixineyna oo wax dheefkeena iyo xoogeena bixineyna laakiin ma lihin oo eedeyn in aan ku mudano u maleyn maayo, ma waxa la rabay in aan dhahno dowladda waa khilaafeyna.”