Sawirro: FIQI oo magaalada Baydhaba gaaray + Ujeedka

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, mudane Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Fiqi oo barqanimadii maanta ka degay garoonka Shaati Gaduud ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyey wasiirka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyey xatunta madaxtooyada, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Ujeedka socdaalka wasiir Fiqi ayaa la xiriira xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira deegaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu kormeer ku teego xerooyinka barakacayaasha ee ku yaalla halkaasi, si uu qiimeeyo xaaladaha qoysaska ku nool halkaasi.

Baydhabo ayaa ka mid ah magaalooyinka ay kusoo barakaceen qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ay saameyn ku yeeshaan abaaro iyo dagaallada ka socda dalka.

Horey waxaa magaaladaan u booqday madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo indho indheeyey xaaladdaha barakayaasha ku nool magaaladaasi.