Daawo: “Beeryaraha iyo hal kili ayaan qaraxa ku waayey” – Muuse oo isbitaal ku jira

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuse Xasan Cawaale oo kamid ahaa boqolaalkii qof ee dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxyadii Soobe 2 ayaa ka sheekeeyey xaaladii xanuunka badneed ee maalintaas qabsatay.

Muuse ayaa ka mid ahaa ganacsatada sarafka lacagaha, wuxuu ka badbaaday qaraxii Soobe 1 oo sida uu sheegay indhihiisa uu ku arkay gaarigii qarxay ee boqolaalka qof laayey 14-kii October 2017-kii.

Maalintaas wuxuu sheegay inuu badbaaday oo waxaba aysan soo gaarin, inkastoo uusan sharaxin sida uu uga badbaaday qaraxaas, hadda dhaawacyo aad u culus ayaa ka soo gaaray qaraxii koowaad ee isgoyska Soobe ka dhacay 29-kii bishii hore ee October.

Beeryaraha iyo hal kili ayuu sheegay inuu ku waayay qaraxii koowaad ee Soobbe 2, sidoo kale gacantiisa midig ayuu sheegay inay labo meelood ka jabtay.

Bukaankaan uu lagu dabiibayo isbitaalka Madiina, waxaa soo wareystay TV-ga Universal, wuxuuna markii dambe cesha waayey ilinta, isagoo aad u dareensan xaaladda xun ee dalka ka jirta, hadana wuxuu mar kasta muujinayey inuu ku qanacsan yahay qadarta Alle.

Hadallada ugu badan ee carrabkiisa ku soo noqnoqanayey waxaa ka mid ahaa “Alle ayaa noo qoray sidaan, dalkeena xaaladda ka jirta ayaa iska sidaan ah, magaraneyno sababta naloo beegsaday, waa nagu daba dheeraaday dagaalkaan iyo fadlan xal kale hala raadiyo sidaan waa lagu baaba’aye.”

Dhibane Muuse Xasan Cawaale ayaa ilinta cesha waayey, markii uu soo xasuustay saaxiibadiisii lagu laayey qaraxyadii Soobe 1 iyo Soobe 2, kuwaas oo 10 sano ay halkaas ka wada shaqeysanayeen. Wuxuu soo tiriyey magacyada saaxiibadiis oo wada dhintay.

Ugu dambeyntii bukaankaan oo xaalad quus ah laga dheehan karay hadalkiisa ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sidaan ka dhiidhiyaan oo talo mideysan ay ka yeeshaan gumaadka ku socda.

Hoos ka daawo