Wararkii ugu dambeeyay ee xiisada ka dhex aloosan dalalka Rwanda iyo Congo

Kigali (Caasimada Online) – Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Rwanda ayaa isku raacay in ay xoojiyaan dadaallada ay hoos ugu dhigayaan xiisadda u dhaxeysa, islamarkaana ay ku xallinayaan qalelaasaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan.

Xiriirka goboleedka bartamaha Afrika ayaa bilihii u danbeeyey aan xasillooneyn iyadoo DRC ay ku eedeysay dalka yar ee ay deriska yihiin, Rwanda, in uu taageero malayshiyaadka fallaagada ee barakiciyay tobanaan kun oo qof.

Bayaan ay si wadajir ah uga soo saareen shir ay ku yeesheen Angola ayay wasiiradu isku raaceen in ay sii wadaan wada-hadallada, taasi oo ah mudnaanta in qalalaasaha siyaasadeed ee labada dal ee walaalaha ah la xalliyo iyo in dib loo qeexo jadwalka lagu dedejinayo qorshaha dhimista xiisaha ee la saxiixay bishii July.

Qorshahaasi lagu dhameynayo xiisadda ayaa waxaa heshiis ay Angola garwadeen ka ahayd ku kala saxiixday madaxweynaha Rwanda Paul Kagame iyo dhiggiisa Congo Felix Tshisekedi.

Ka dib markii ay toddobaadyo xasillooni ah jirtay ayaa fallaagada M23 ay dib u bilowday weerarkeeda dhamaadkii October, iyadoo toddobaadyadii u danbeeyey ka qabsatay Koongo dhul badan.