SHIFA Cabdi oo kamid noqotay dadkii ay afduubteen ciidanka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Qasa (Caasimada Online) – Shifa Cabdi oo ka mid ahayd dadkii saarnaa doonyaha gargaarka u siday Marinka Qasa ayaa lagu soo warramayaa in ay ka mid tahay dadka ay xidheen ciidammada Israa’iil, sida ay sheegeen xildhibaanno ka tirsan Midowga Yurub iyo Finland.

Gabadhan oo asalkeedu Soomaali yahay ayaa si joogto muuqaallo ugu soo gudbinaysay baraheeda bulshada, waxaana muuqaalkii ugu dambeeyay ee ay soo gelisay ku sheegtay inay afduubteen ciidamada, ayna si qasab ah ugu kaxeeyeen gudaha Israel.

“Haddii aad daawanayso muuqaalkan waxa ay ka dhigan tahay in ay ciidammada Israa’iil i afduubteen oo ay ii kaxeeyeen gudaha Israa’iil, idan la’aan.” ayay tiri Shifa Cabdi.

Sidoo kale Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Midowga Yurub oo la yidhaahdo Jussi Saramo ayaa baahiyay muuqaalkeeda sheegaya in doontii ay la socotay dhexda loo galay, xilli ay maraysay biyaha caalamiga ah.

Isla muuqaalkaasi waxa baahisay Fatim Diarra oo ka mid ah Baarlamaanka Finland. Waxa lagu sheegay in si dhow loo la socdo xaaladda doonyahan iyaga oo ugu baaqay shacabku in ay isugu soo baxaan fagaarayaasha magaalooyinka Finland.

Dhanka kale, bannaanbaxyo ayaa ka dhacay magaalooyin badan oo dunida ah si looga mudaaharaado tallaabada Israaโ€™iil ku joojisay maraakiib ka tirsan โ€œFleet-ga Adkeysiga Caalamiga ahโ€.

Waxaa dibadbaxyo lagu qabtay magaalooyin kala duwan oo caalami ah, iyadoo lagu muujinayo diidmo ka dhan ah sida ay Israaโ€™iil u hor istaagtay maraakiibtaas.

- Advertisement -

Read more

Local News