24.8 C
Mogadishu
Wednesday, January 7, 2026

Shiinaha oo wafdi sare usoo diraya Soomaaliya kadib tallaabadii Israa’iil

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Shiinaha, Wang Yi oo hoggaaminaya wafdi heer sare ah ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda soo gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wafdigan ka socda Shiinaha ayaa kulamo la yeelan doona madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo noqonaya wafdigii ugu horreeyay ee caalami ah oo booqda Muqdisho kadib markii Israa’iil ay sheegtay inay aqoonsatay maamulka Somaliland.

Sidoo kale, Wang Yi ayaa noqonaya mas’uulkii ugu sarreeyay ee ka socda dal leh codka qayaxan ee yimaada Muqdisho tan iyo xilligii dowladdii kacaanka.

Dhinaca kale, Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in dowladda Soomaaliya ay muujisay kalsooni buuxda oo ku aaddan Shiinaha, halka wareysiyadii ugu dambeeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siiyay Al-Jasiira iyo Al-Carabiya laga dheehan karay fariin tilmaamaysa xoojinta xiriirka kala dhexeeya Shiinaha.

Dowladda Shiinaha ayaa dhawaan si kulul u cambaareysay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, tallaabo kicisay mowjado diidmo iyo dhaleeceyn ah oo ka imaanaya dalalka gobolka iyo beesha caalamka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa ka digtay in aan dalna “kicin ama taageerin kooxaha gooni-goosadka ah” si uu u dabagalo “dano gaar ah,” iyadoo Somaliland ku tilmaantay qeyb ka mid ah Soomaaliya oo aan marnaba ka go’i karin.

“Shiinuhu wuxuu si adag u taageersan yahay madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, wuxuuna kasoo horjeedaa tallaabo kasta oo lagu kala qaybinayo dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri Lin Jian, afhayeenka wasaaradda, oo hadlay galabnimadii Isniinta.

Lin Jian ayaa intaas ku daray in Beijing ay ugu baaqeyso maamulka Somaliland “inay xaqiiqada garwaaqsadaan, isla markaana si degdeg ah u joojiyaan dhaq-dhaqaaqyada gooni-goosadka iyo xiriirrada ay la samaysanayaan awoodaha shisheeye.”

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in arrinta Somaliland ay tahay “mid gabi ahaanba u taalla Soomaaliya,” isla markaana ay tahay in lagu xalliyo habraacyada dastuuriga ah iyo xaaladda qaran ee Soomaaliya, si ay u hoggaamiyaan dadka Soomaaliyeed.

Si kastaba, Shiinaha ayaa awooddiisa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u adeegsan kara inuu is-hortaago aqoonsi kasta oo rasmi ah oo ay Somaliland hesho, sida ay sheegtay Eritrea.

Warbixin kasoo baxday Wasaaradda Warfaafinta Eritrea Axaddii ayaa aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay “shirqool” muddo soo karkarayay oo lagu doonayo in lagu khal-khal geliyo gobolka, looguna gogol-xaaro “qalalaase caalami ah iyo fowdo.”

Eritrea waxay sidoo kale ku nuuxnuuxsatay in “gaar ahaan ay waajib akhlaaqi ah ku tahay Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha inay qaadato mas’uuliyaddeeda,” iyadoo ku doodday in xaaladdan ay si dhow ugu ekaan karto tan Taiwan.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1991, balse Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada.

- Advertisement -

Read more

Local News