25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Shir deg deg ah oo la isugu yeeray Golaha Wasiirada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta oo arbaco ah isugu imaanaya shir deg deg ah oo ay ka yeelanayaan xaalada dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaanan la ogeyn waxa looga hadli doono balse waxa uu ku soo aadayaa xili Dowladda Soomaaliya ay wajaheyso culeyso kaga imaanaya dhiibistii Cabdi Kariin Muuse Qalabi Dhagax oo Baraha Bulshada si aad ah looga hadal haayo.

Wariyaal ku sugan Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa soo sheegaya inuu socda qaban qaabada shir muhiim ah oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirada,waxaana shirkaasi la sheegayaa inuu shir guddoomin doona Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali wax jawaab ah ka soo saarin dhacdadii Bariire, inkastoo uu dhacay is afgarad dhex maray dowladda iyo odayaasha ka soo jeeda dadkii lagu dilay Bariire, kaasoo sababay in la aaso meydadkii la diidanaa in la aaso markii jahwareer uu ka dhashay cida leh mas’uuliyada weerarkii Bariire.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu maanta ka hadli doona Arinta Qalbi dhagax oo wadna qabad ku noqotay Dowladda Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya kulanka,waxaana shacabka Soomaaliyeed ka dhursugayaan go’aanada ka soo bixi kara shirkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News