Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Xarunta madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in kulan halkaasi ka dhacay uu waxyar un ka hor kusoo dhamaaday Fashil.
Kulanka oo ahaa mid socday ku dhawaad Hal saac iyo bar ayaa waxaa looga arrinsanaayay Aayaha Somalia iyo nooca ay noqon doonto doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia.
Shirka ayaa waxaa ku dhamaa Madaxda DFS, Gobollada iyo kuwa Beesha Caalmaka, waxa uuna isfahan xumi kadib uu shirkaasi kusoo biyo shubtay Fashil kadib markii Madaxweyne Xassan uu sheegay inuusan ka tanaasuli doonin nidaamka 4.5.
Madaxweyne Xassan ayaa kulanka maanta oo ahaa mid daba socday kulankii shalay ka sheegay in lamahuraan ay tahay in mudada uu xilka hayo dalka Somalia looga shaqeeyo Nidaamka 4.5, waxa uuna cod dheer ku sheegay in maamulada dalka looga baahan yahay inay kusoo daba feelaan Dowlada Somalia oo aysan isku dayin inay hagaan Dowlada.
Xassan waxa uu sidoo kale, shirka maanta ka cadeeyay in Xildhibaanada imaan doona lagu soo xuli doono 4.5, islamarkaana uusan aqoonsaneyn wax la yiraahdo deegaan.
Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Mr Michael Keating, ayaa isna dhankiisa ka sheegay in Madaxweyne Xassan uu isku dayaayo inuu afka dhulka u galsho rajada Somalia, waxa uuna cadeeyay in Beesha Caalamka aysan aqbali doonin rabitaanka cid gaar ah.
Ad adeega Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa waxa uu soo dadajiyay in Wakiilka QM Michael Keating iyo Xubno uu hogaaminaayay ay isaga kaceen kulanka kadib markii ay aad uga carooden habdhaqanka Madaxweyne Xassan iyo kuwa Maamulada dalka.
Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in fashilka shirka uu sabab u ahaa Madxaweyne Xassan Sheekh oo isagu wali ku adkeysanaayo qodobo ay kamid yihiin in dalka uu kasii shaqeeyo nidaamka 4.5.
Fashilka shirkaani ee uu sababta u yahay Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu horseedi karaa in shirarka kale ee xigi doono shirkaani uu isna noqdo mid aan guul laga gaarin.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa adag in shirkaani uu kusoo dhamaado Natiijo lagu farxo, bacdamaa Mas’uul waliba uu culeska saaraayo sida uu ku cugan lahaa dhiishiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]