Kala carar ka bilowday mid kamid ah Isgoysyada ugu caansan Muqdisho & Wadooyin la xiray

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray Isgooyska Jubba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lasoo dhigay gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

Gaariga oo ah nooca raaxada ayaa waxaa la dhigay meel aan sidaa uga sii fogeyn Xarunta Booliska ee ku taalla Isgooyska waxaana halkaasi ku yaalla maqaaxi mashquul badan oo ay ku nastaan Ciidamada Booliska.

Gaariga ayaa la soo warinayaa in la dhigay meel garabka ku heysa Xarunta Booliska, waxaana iminka go’an gabi ahaan wadadaasi, iyadoona halkaasi lasoo dhoobay Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa NISA.

Isgooska lasoo dhigay gaariga miineysan ayaa waxaa kudhow Xarunta weyn ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka waana mid kamid ah Isgooysyada ugu mashquulka badan.

Geesta kale, waxaa halkaasi iminka ku sugan Saraakiil ka tirsan Hay’adda Miino baarista iyo Ciidamo farabadan oo la sheegay inay ka hortagayaan qaraxa gaarigaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com