Shirka Jowhar oo badi lagu kala tagay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelada Dhexe, ayaa sheegaya in shirka Jowhar uu halis ugu jiro inuu burburo.

Khilaafka ka taagan Shirka ayaa waxa uu hadda u dhexeeya Beelaha Degan Jowhar iyo kuwa Hiiraan oo ay ugu horeyso Beesha Xawaadle iyo Beelo kale.

Shirkaani ka socda magaalada Jowhar ayaan soo dhaafin maalintii furitaanka taariikhdu marka ay aheyd 13 janaayo 2016 waxaana hareeyey khilaaf maalinba maalinta ka danbeysa sii weynaanayey, kaasi oo ugu danbeyntii cagta la gali doona fashil.

Ergada shirka ayaa intii ugu badneyd waxa ay dib ugu laabteen halkii ay kasoo baqoolen, waxa ayna taasi sabab uga dhigeen in Dowlada Somalia ay faragalin iyo nin jecleysi ay ka dhex wado madasha shirka.

Ergooyinka shirka ka baxay oo siyaabo kala duwan uga hadlay sababta ayaa sheegay inay saluugeen qaabka shirka loo maamulay iyo qoondada la siiyey.

Ergooyinka shirka ka baxay ayaa sidoo kale sheegay in gabi ahaan aysan dib ugu soo laaban doonin madashada, waxa ayna taasi sabab uga dhigeen inaysan jiri cid iska xilsaartay wanaagii laga filaayay in shirka laga gaaro.
Shirkaani ayaa waxaa xili hore diidanaa beelaha qaar ee kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.

Beelaha Hiiraan ayaa waday qorsho ah in shirka ay ku qabtaan Beledweyne, iyaga oo qaarkood u ololeynaya in loo oggolaado in ay si toos ah u hoostagaan Dowladda Federaalka, taas oo dastuurku u oggolaanayo.

Dhanka kale, DFS oo ka duuleysa khilaafyada u dhexeeyay beelaha Jowhar iyo Hiiraan ayaa waxa ay go’aamisay, halka shirka lagu qabanaayo, caasimadda maamulkaas, waxaana soo baxaya in magaca loo bixinaayo maamulka ay Dowladdu wadato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com