Gaas oo beesha caalamka horteeda ku beeniyey Xasan Sheekh iyo shirkii madasha oo mar kale…

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii hordhaca u ahaa madasha wadatashiga qaran ee looga arinsanayay qaabka doorasho ee dalka ka dhacaysa iyo mustaqbalka dalka ayaa waxaa hareeyey mugdi cusub.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo shirka furay ayaa khudbadii uu ka jeediyay wuxuu ku sheegay in shirkii Kismaayo lagu heshiiyay in aqalka dowladda hoose lagu soo dhiso nidaamka 4.5, halka aqalka sare Puntland iyo Somaliland loogu daro min sadex xubnood, hadalkaasi oo buuq dhaliyay iyo in shirka uu u burburo cabasho iyo dood ka timid madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo qaab isbaheysi ku socda.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa shirkii Madasha Qaran iyo wakiilada Beesha caalamka ku yeesheen Madaxtooyada Soomaaliya galabta ka beeniyay khudbadii Madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa in heshiis lagu gaaray shirkii Kismaayo, kaasoo ah in aqalka hoose ee Baarlamaanka lagu soo xulo 4.5.

Wasiirka degaanka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo kamid ah waftiga madaxweynaha Puntland ee ka qeybgalayay shirkaasi ayaa sheegay in gebi ahaanba uu burburay shirka hakadna ku yimid, isagoo sheegay in go’aanka Puntland ee doorashada ay tahay mid uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Puntland oo ah qaab deegaan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa lagu beeniyay hadalka Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna u qornaa warsaxaafadeedkaasi sidan:.

WAR SAXAAFADEEDKA PUNTLAND

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25-Jan-2016 xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kaga qayb galay shir hordhac u ah shirweynaha madasha wadatashiga qaran ee hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka.

Shirka ayaa waxaa iyana goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Federaalka, Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka, Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka, guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha Baarlamaanka dawladda federaalka, madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka kajira iyo Wakiillada Beesha Caalamka.

Shirkaan oo gogol xaar u ahaa shirweynaha madasha wadatashiga qaran ayaa waxaa ugu horraynba khudbad kajeediyey Madaxweynaha Dawladda Federaalka oo khudbadiisa ku sheegay in ay jiraan heshiisyo lagu soo gaarey shirkii Kismaayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo intaasi kadib khudbad xasaasi  ah kajeediyey shirka  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkii Madaxweynaha Dalwadda Federaala, isla markaasna sheegay in uu ka xunyahay in madaxda sare ee dalku ay shirka ka sheegaan warar aan sal iyo raad lahayn.

“waxaan aad uga xumahay beesha caalamka iyo madaxda soomaaliyeed hortooda  inaan ka caddeeyo warka ka soo yeeray Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha ee sheegay in Kismaayo heshiis lagu gaadhey, waxaanse halkan kaxaqiijinayaa in aanay jirin wax heshiis ah oo lagu soo  gaarey magaalada Kismaayo oo la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo waftigiisu ay halkaan u yimaadeen wadatashi balse aanay u socon in ay qayb ka ahaadaan go’aano hore loo gaadhey, isagoona ku celiyey mawqifkii Puntland ee ahaa in Deegaan wax lagu soo doorto si loo helo metelaad shacbi oo dhab ah.

“Puntland waxay halkaan u timi wada tashi, si loo helo dawladnimo soomaaliyeed oo sax ah oo ku dhisan caddaalad, balse uma iman in aanu ka-qayb qaadano go’aano hore loo gaarey,sidoo kalena  Puntland kama shaqaynayo go’aano ay cid keliya halkaan ku gaartey, mawqika Puntland waa In Deegaan wax lagu soo doorto” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli. 

—DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.