25.1 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

Xog: Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo isku mari waayay qodob xasaasi ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta la isku mari waayay, sida ay ilo ku dhow u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka ayaa isku mari waayay mid ka mid ah afarta qodob ee ajandaha kulanka. Xubnaha mucaaradka ayaa soo jeediyay in cutubka afaraad ee wax-ka-beddelka dastuurka laga laabto oo sidii hore loogu celiyo.

Qodobkan ayaa noqday mid dood culus dhalisay, oo sabab u noqotay in shirka lagu kala tago; hase ahaatee, waxaa markii dambe la isla gartay in dib la isugu soo laabto oo dhinacyadu ay soo wada tashadaan.

Mucaaradku waxay doonayaan in gebi ahaanba qodobkaas meesha laga saaro, oo lagu celiyo sidii uu awal u ahaa in madaxweynaha ku yimaado doorasho baarlamaani, halka wax-ka-beddelkii dastuurka lagu qeexay in madaxweynaha ay shacabka soo doortaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa weli ku adkeysanaya wax-ka-beddelka dastuurka iyo hab-ka-doorasho ee muranka dhaliyay, halka mucaaradku ka biyo-diidan yahay, taas oo sii adkaynaysa in xal la gaaro, inkastoo la isugu balamay in dib la isugu soo laabto si loo sii wado dooda qodobkan.

Shirkan maanta ayaa waxaa ka horreeyay mid kale oo gaar ah oo ay shalay yeesheen mucaaradku, kaas oo ay dood adag kaga yeesheen ajandayaasha ay maanta hor-dhigeen Madaxweyne Xasan.

Si kastaba ha ahaatee, wada-hadallada mucaaradka iyo madaxweynaha ayaa la filayaa in maalmahan ay sii socdaan, iyadoo Xasan Sheekh uu wajahayo cadaadis caalami ah oo ku qasbaya in uu xal ka gaaro tabashada mucaaradka.

- Advertisement -

Read more

Local News