Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali ayaa markii u horeysay shaaciyay in uu gaba-gabo marayo soo saarista gaaska, kaasi oo si qarsoodi ah uga socday dowlad deegaanka Soomaalida.
Abiy ayaa sheegay in qorshaha soo saarista gaaska uu ahaa mid qarsoodi ah, “Annagu dowlad ayaan nahay, meelihii cadawgu ka jirana waa la qarin waxaan qabanayno, si aysan nooga xumaan,” ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in booqashadii uu kal hore ku tegay dowlad deegaanka Soomaalida ee la sheegay in la xiriirtay qamadiga ay aheyd mid indhaha bulshada looga leexinayay qorshaha dhabta ah.
“Dhawaan markii deeganka Soomalida tagayay ee aan qamandida iyo biyo-xireenka booqanayay uma tagin arrimahaas, waxaan u tagay arrimaha gaaska,” ayuu yiri Abiya Axmed.
Waxa uu intaas kusii daray “Muxuu u tagay si aan loo dhihin? ayaan qamandida u booqday. Haatana wajigii koowaad ee gaasku wuu dhamaaday”.
Sidoo kale waxa uu sheegay in marka uu fasaxa kasoo noqdo baarlamaanka Itoobiya ay noqon doonto markii koowaad ee dowladdiisu gaaska suuq geyso.
Hadalka Abiy ayaa imanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay si weyn u baahday in dowladda Itoobiya ay ka laabatay qorshaha gaaska dabiiciga ah looga soo saarayay deegaanka Ogaden iyo dhuuntii looga dhoofinayay dalka Jabuuti.

