28.1 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Puntland oo qaaday tallaabo ka dhan ah mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Puntland ayaa mar kale qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah xubnaha mucaaradka ee ku sugan deegaannadeeda, iyada oo soo rogtay amar saameynaya siyaasiyiinta ku sugan maamulkaas ee wada dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed.

Sida lagu sheegay go’aan kasoo baxay dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo waxaa magaalada laga mamnuucay shirarka siyaasadeed oo aysan ogeyn dowladdu, waxaana amar lagu bixiyay in aan lagu qaban karin shirar siyaasadeed waqooyiga Gaalkacyo.

“Laga bilaabo maanta, waxaa si rasmi ah loo mamnuucay qabashada shirar, kulamo ama isu imaatin bulsho oo aan oggolaansho rasmi ah laga haysan Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo,” ayaa lagu yiri go’aanka ka soo baxay Dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaa go’aankan lagu socod-siiyay hoteelada iyo xarumaha shirarka, iyada oo looga digay inay marti-geliyaan kulamo aysan ogeyn dowladda Puntland.

Dowladda Hoose ee Gaalkacyo ayaa xustay in ujeedka uu yahay in laga hortago wax kasta wax u dhimaya amniga ama abuurayo qalalaase ka dhaca gudaha magaaladaasi.

“Hoteelada, Xarumaha Shirarka, iyo goobaha kale ee gaarka loo leeyahay ee ku yaala magaaladda Gaalkacyo waxaa si adag loogu wargalinayaa in aysan oggolaan karin shirar, kulamo ama wax isku imaatin ah ilaa ay helaan oggolaansho rasmi ah oo ku yimid Dowladda Hoose,” ayuu sii raaciyay bayaanka.

Waxay intaas kusii dartay in kooxdii ama hay’addii isku dayda in ay qabato shir ama kulan dadweyne, iyadoo aan helin oggolaanshaha maamulka degmada in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Go’aankan ayaa daba socda mid horay ay xukuumadda Saciid Deni usoo saartay, kaas oo magaalada Garoowe looga mamnuucay shirarka siyaasadeed oo aysan ogeyn dowladda.

Deni ayaa isku dayaya inuu xakameeyo mucaaradka gudaha, si uu uga hortago dhaq-dhaqaaq ka bilowda Puntland oo haatan wajaheysa xaalad adag. Waxaa kale oo usii dheer khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya, kaas oo saameyn dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku yeeshay maamulkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News