29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Sawirro: Doorashada qof iyo cod oo maanta ka billaabatay Galmudug iyo K/Galbeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamaeeb (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor-Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta iska diiwaan geliyay magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb oo si rasmi uga bilaabatay is-diiwaangelinta dadweynaha ee doorashada golayaasha deegaanka ee la qorsheynayo inay ka dhacaan deegaano ka tirsan maamuladaas.

Mas’uuliyiinta labada maamul iyo boqolaal shacab ayaa maanta safaf u galay is-diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ee golayaasha deegaanka, si ay u qaataan shahaadada rasmiga ah ee codbixinta.

Goobo gaar ah oo loo asteeyay diiwaangelinta ayay isugu tageen shacabka, halkaas oo ay safaf dhaadheer ugu jiraan inay qaataan shahaadada, si ay qayb uga noqdaan doorashada qof iyo codka ah ee la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya.

Mid kamid mas’uuliyiinta Galmudug oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay codadkooda dhiibtaan, isla markaana laga gudbo doorashooyinka dadban.

“Waxaa diyaar loo yahay bulshada Galmudug meel kasta oo ay joogto in ay is-diiwaangeliso oo laga gudbo xilligii qabiil qabiilka iyo kaaba qaabilada inay wax soo doortaan, maanta ayaa xoriyaddii la helay qof weliba cidda ay rabto ayay dooraneynaa” ayuu yiri mas’uulka.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay shahaadada diiwaangelinta qaataan, si ay berri ugu ciil baxaan codkooda.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in loo gudbay xilligii doorashooyinka qof walbana codkiisa uu siin karo qofka uu rabo, waana in la’is diiwaangeliyo” ayuu sii raaciyay.

Diiwaangelinta ayaa horay looga sameeyay magaalada Muqdisho, iyada oo dadkii ugu badnaa ay qaateen shahaadooyinka, waxaana hadda loo weecday gobollada dalka, gaar ahaan Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo SSC-Khaatumo oo heshiis la ah dowladda dhexe.

Tallaabooyinka ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli Jubaand, Puntland iyo mucaaradka ay tabasho ka qabaan hanaanka ay wax u waddo Villa Somalia ee la xiriira doorashooyinka.

Si kastaba, Waxaa haatan loo ballansan yahay shir labaad oo uu Madaxweyne Xasan maanta la yeelanayo mucaaradka, kaas oo looga hadlayo xiisadda taagan, cadda wax yaabaha ka soo bixi kara shirkooda, inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isku dayayo inuu xalliyo tabashada xubnaha mucaaradka Dowladda.

- Advertisement -

Read more

Local News