Shir madaxeedka midowga Africa oo maanta ka furmaya Addis Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) Waxaa maanta oo Axad ah magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ka furmaya shir madaxeedka midowga Africa.

Shirkan oo ah kii 20-aad ayaa waxa ka qaybgalaya madax  badan oo ka socota gobalka iyo wafuud caalami ah.

Wax yaabaha hareen doona shirkan waxa a ugu horreeya xiisadda ka taagan Maali, khilaafka u dhexeeya labada Sudan iyo arrinta Soomaaliya oo shir kasta looga hadlo.

Ammaanka goobta uu shirka ka dhacayo ayaa aad loo adkeeyay, waxana meel kasta la dhigay ciidamo ammaanka suga.

Waxa magaalada ku soo qulqulaya madax badan oo ka socota gobalka, kuwaasoo shirka ka qaybgalaya.

Madaxda ka qaybgaleysa waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay shaley gaareen Addis Ababa.

Shirka ayaa maanta duhurkii furmi doona, waxana uu soconaya illaa labo maalin oo ah maanta iyo  berri ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho