24.4 C
Mogadishu
Wednesday, January 28, 2026

Shir muhiim u ah Soomaaliya oo ka furmay Nairobi + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ka furmay shirka maalgelinta caafimaadka Soomaaliya, kaas oo ay ka qayb-galayaan mas’uuliyiin heer federaa ah, kuwa dowlad-goboleedad iyo saaxibada caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Shirka oo mid xasaasi ah ayaa waxaa si rasmi ah u furay wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshad Cali Xaaji Aadan, iyada oo diiradda lagu saarayo maalgelinta iyo xoojinta nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya.

Waxaa shirkan oo muhiim u ah horumarinta iyo maalgelinta nidaamka caafimaadka dalka,  sidoo kale goobjoog ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaaliil, wasiirrada caafimaadka dowlad-goboleedyada Soomaaliya, gobolka banaadir, saaxiibada caalamiga ah ee taageera caafimaadka Soomaaliya iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in muddada uu socdo shirka looga hadlayo mideynta dadaallada, xoojinta wada-shaqeynta, iyo hirgelinta hannaan maalgelin oo waara.

Sidoo kale, ujeedada ugu wayn ayaa ah in la xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh, la heli karo, isla markaana gaara guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda caafimaadka federaalka ayaa sidoo kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay hoggaaminta dadaallada Qaran ee lagu dhisayo nidaam caafimaad oo horumarsan, isla-markaana loo wada dhan yahay, iyada oo si dhow ula shaqaynaysa dhammaan daneeyayaasha Qaran iyo kuwa caalami ah, si loo xaqiijiyo caafimaadka, badbaadada, iyo mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed

Muddooyinkii dambe dowladda federaalka ayaa wadday dadaallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu helo adeegyo caafimaad oo tayo leh, loo wada siman yahay, lana gaarsiin karo meel kasta.

- Advertisement -

Read more

Local News