26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Shir seddax geesood ah oo ka dhacay xeryaha qoxootiga ee Kenya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

IFO (Caasimada Online) Shir ay soo qaban qaabiyeen dowladdaha Soomaaliya, Kenya iyo hey’adda qoxootiga ee QM UNHCR ayaa ka dhacay xeryaha qoxootiga Kenya.

Shirkan waxaa looga hadlay siddii bal loogu sheegi lahaa qoxootiga nus malyuunka ah ee ku nool xeryaha qoxootiga gobalka waqooyi bari Kenya.

Shirka waxaa ka qaybgalay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Nuur Ameerico, wuxuu sheegay in shirka seddax geesoodka looga hadlay siddii qoxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha qoxootiga dib loogu celin lahaa waddankooda iyagoo aan la qasbin.

Danjire Americo ayaa tilmaamay in shirka ay la qaaten qoxootiga loo sheegay qaabka loo celinaayo iyadoo qof kasta la geenaayo gobalka ama deeganka uu ka yimid.

Si kastaba, Wariye ka qaybgalay shirka oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in qaar badan oo ah qoxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya aaney diyaar u ahayn xilliggan in ay ku laabtaan dalka, qaar waxbarasho lacag la’aan ah ayey ku heestaan Kenya kuwa kalena  waxa ay rajo ka lee yihiin in qurbaha loo qaadayaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News