26.5 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Shirar iska soo horjeeda oo CAAWA ka socda Villa Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in xarunta Madaxtooyada Somalia, ay ku qulqulayaan mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole ee DF iyo tirro Odayaal dhaqmeed ah oo si hoos iska taabat ah loogu yeeray.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in kulamada sida gaar gaarka ah uga socda Madaxtooyada ay qeyb ka yihiin Xubno ka tirsan Beesha Caalamka kuwaasi oo la sheegay inay xal u raadinayaan Muranka ka taagan dib usoo celinta maqaamka Muqdisho iyo in xuquuqda Gobolka Baaadir lala meel-dhigaa kuwa kale.

Kulamada hadda socda ayaa intooda badan ah kuwo u dhexeeya labada Gole iyo Odayaasha, waxa uuna ujeedkiisu yahay in lagu dabiibo muranka sii xoogeysanaaya.

Odayaasha qaar ee iminka ku sugan Madaxtooyada ayaa diidan in kulan gaar ah ay la qaatan Xassan Sheekh, waxa ayna sheegen in Xassan uu caqabad ku yahay Mustaqbalka Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiinta ka kala socta labada Gole ayaa iyaguba ah kuwo si gaar ah uu u ballansaday Xassan Sheekh si ay u qaboojiyaan kacdoonka Odayaasha.

Beesha Caalamka ayaa saacadihii ugu danbeeyay ahaa kuwo kasoo jilcay ad adeegooda, waxa ayna iminka ogolyihiin in il gaar ah lagu eego Gobolka Banaadir iyo dadka dega.

Lama saadaalin karo natiijada kasoo bixi doonta kulamada iska soo horjeeda ee ka socda Madaxtooyada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News