New York (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Dowlada Kenya ay shaaca ka qaaday inay xireyso xeryaha Qaxootiga Dhadhaab oo hooy u ah Kumanaan Soomaali ah, ayaa waxaa arrinkaasi ka hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban ki Moon.
Ban ki Moon, ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in Dowlada Kenya ay ku goodiso inay xireyso xerayaha, waxa uuna sheegay in go’aankaasi ay kala hadli doonaan Dowlada Kenya.
Ban ki Moon, waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay aysan raali ku aheyn go’aanka kasoo baxay Kenya, waxa uuna bidhaamiyay in Dowlada Kenya ay kala fadhiisan doonaan arrinkaasi si ay uga laabato.
Ban ki Moon waxa uu sidoo kale sheegay in Dowlada Kenya goor sii horeysay ay kala hadleen go’aan kan lamid ah balse iminkana ay diyaar u yihiin in mar kala ay xal u raadiyaan go’aankaasi.
Sidoo kale, qoraal kasoo baxay Xafiiska Ban ki Moon oo uu Saxaafada u aqriyay Afhayeen u hadlay xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in QM ay mar wali u taagan tahay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee sanadka 2013 ay gaareen Kenya, Somalia iyo Hay’adda UNHCR ee ahaa in dadka qaxootiga ay iskood ugu laabtaan Somalia iyadoo aan la qasbin.
Afhayeenku waxa uu sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban ki Moon iyo Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta ay kuwada hadleed qadka telefoonka iyaga oo isla meel dhigay in dhamaadka bishaan May ee wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ay ku jiraan ku xigeenka xoghayaha guuud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxa hay’adda UNHCR ay booqan doonaan xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab iyagoo u kuur geli doona xaalada xerooyinkaasi.
Dowlada Kenya ayaa laga filayaa in mar kale ay dib u aqbasho in la hakiyo go’aanka lagu kala eryinaayo Qaxootiga.
Caasimada Online
Xafiiska New York
[email protected]

