Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaa maalinta berri ka furmaya wajiga labaad eee shirka maamulka u sameenta goblada Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya.
Maamulka cusub oo loo dhisaayo ilaa lix gobal, ayaa maalmaahan shirkiisa uu ka socday Baydhabo, halkaasoo ay ku sugan yihiin odayaal iyo wax-garad ku howlaan in uu qabsoomo shirkaas.
Haddaba guddiga ku howlan shirkaas oo maanta la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in maalinta berri uu shirka gali doono wajiga labaad, waxaana lagu wadaa in ay ka qaybgalaan wakiilo ka socda QM iyo Midowga Yurub, sida uu sheegay Malaakh Shiino oo ka mid ah odayaasha shirka.
Magaalada waxaa ku soo qulqulaya ergooyin iyo siyaasiyiin ka soo jeeda lixdan gobal ee maamulka loo sameenaayo kuwaasoo kala ah, Baay, Baydhabo, Gedo, Jubbada Hoose, Jubbadda Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Shirka ka socda Baydhabo ayaa la sheegay in ammaankiisa lagu wareejiyay ciidamo AMISOM ah, arrintan ayaa timid markii qaar ka mid ah ergooyinka ka qaybgalaya ay kulan la qaateen wakiilka Midowga Afrika ku qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Saalax Al-Nadiif oo dhawaan halkaas tagay.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho