Shirka Cadaado oo hakad galay iyo madaxweyne BAARLEEX oo shuruud cusub oo adag la yimid!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Maamulka Ximin iyo Xeeb uu si cad iminka u hor istaagay sii socoshada Shirka Cadaado kadib markii Maamulka ay ka biya diideen qodobo ka mid ah Dastuurka Maamulkaasi uu yeelanayo.

Maamulka ayaa sheegay inaysan suuragal aheyn inuu sii socdo shirka iyada oo aan wax laga qaban qodobo dhowr ah oo ku qoran Dastuurka KMG ee lasoo bandhigay.

Cabdullaahi Cali Maxamed “Baarleex” oo ah Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb oo la hadlay Ergooyinka ayaa sheegay in shirka uu hakat galay ilaa aan wax laga bedelin qodobada Dastuurka waxa uuna ku nuux-nuuxsaday inaan la furi Karin inta qodobadaasi ay ku jiraan dastuurka.

Baarleex waxa uu u sheegay Ergada Shirka in uusan Shirkaasi socon karin ilaa laga xalliyo Cabashadooda, isagoona ku goodiyay in wax badan ay isbedeli doonaan hadii shirka leysu dayo in lasii socodsiiyo iyada oo aan maamulkiisa laga qancin dastuurka.

Mahad Diiriye Cabdi oo ka mid ah Ergada Shirka ayaa dhankiisa ka sheegay in Baarleex uu ka soo horjeedo Qodobada Dastuurka gaar Qodobka ku saabsan Caasimadda Maamulka halka ay noqoneyso.

Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa ay dhaliilsan yihiin Warqad uu qoray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Saxiixayaasha Shirka oo ah in aanay Ergadu faraha la galin Qodobada Dastuurka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com